Banaan bax ka dhan ah jinsi naceybka oo ka dhacay Koonfur Afrika.

0
263

Johannesburg (Kaafi Media.com)Banaan bax looga soo horjeeday Dhibaatada iyo jinsi naceybka lagu haayo Dadka ajaanibta ah ee ku nool South Africa ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg

Banaan baxaan oo ahaa mid si weyn ay usoo agaasimeen daladda ay ku midansan yihiin qurba joogta Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Johannesburg ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Johannesburg, waxaana looga soo horjeeday hadal dhawaan uu sheegay duqa magaalada Johannesburg Mashaba kaa oo ku saabsanaa in qaxootiga ay kaalin weyn ka qaateen amaan xumada ka jirta magaaladaasi ayna ka sifeyn doonaan.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Aamir Sheekh oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay halka uu banaan baxa ka dhacayay ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay duqa magaalada Jahannesburg uu saameyn ku yeeshay dadka ajaanibta ah isla markaana ay la kulmeen weeraro jinsi naceyb ah.

“Dhibkii ka dhacay Rosentavell iyo magaalada Pretoria waxaa uu daba joogay hadalka duqa magaalada saameyn badan ayuuna ku yeeshay dadka qaxootiga ah, jaaliyadaha Africaanka ah hadaan nahay dacwad ayaan ka gudbinay” ayuu yiri Aamir Sheekh

Banaan baxayaasha oo watay boorar waa weyn ayaa waxaa ay socod kusoo mareen waddooyinka magaalada Johannesburg, waxaana  ay dalbayaneen in duqa magaalada Johannesburg uu raali gelin ka bixiyo hadalka uu ku weeraray dadka ajaanibta ah .

Guddoomiyaha gobolka Gauteng ee dalka dowlada Koofur Africa Devid Makura ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxa waxaana uu ka gudoomay warqad cabasho ah oo ay u gudbiyeen asaga oo sheegay in uu kala shaqeyn doono cabashadooda.

Banaan baxaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya ayadoo magaaalada Polokwane ee gobolka Limpopo ay ka dhaceen rabshado lagu dhibaateeyay ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaaladaasi.

Ilaa labo gaari oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah ayaa dab la qabadsiiyay kuwa kale oo badan qasaare culus ayaa la gaarsiiyay,  waxaa sido kale rabshadaha  lagu boobay ilaa shan dukaan oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah.

Dhibaatadaan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ay kala lahaayeen muwaadin Soomaali ah iyo mid South Africaan ah kaa oo ka shaqeynayay Gaadiidka Dadweynaha.

Kaafi Media.com

Koonfur Afrik