SOMALILAND:Dollarka Oo Baa’biiyey Lacagtii Dalka, Noloshii Shacabka Oo Cidhiidhi Gashay, Amaawiirtii Xukuumadda Oo Beenoobay Iyo Dardaaranka Faysal Cali Waraabe.

0
244

Hargeisa(Kaafi media)

– Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa weli Xal la’ Xakamaynta Sicir-bararka Lacagta Qalaad ee Dollarka, waxaana Maalinba Maalinta ka dambaysa sii kordhaya Qiimaha lagu Sarrifo.

Suuqyada Somaliland, ayaa Toddobaadkan waxa boqolka Dollar ee Maraykanka ah lagu lagu sarrifanayaa Lacag dhan 900,000 kun oo Shilin, halka marka Qofku uu Shilinka Sitana uu intaa ka badan yahay.

Sicir-bararka Lacagta Dollarka oo Macnaheedu yahay in Shilinka Somaliland qiimaheedu aad hoos ugu dhacayo, ayaan illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Baanka dhexe ee Dawladdu aanay Xal waara u helin, Wallow aanay Maalmihii u dambeeyay ka hadal Sababta ay wax uga qaban la’yihiin.

Sicir-bararka Dollarka oo haddii aan si deg-deg ah wax looga qabanin ku siqaya in Boqolka Dollar lagu Sarrifo Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, ayaa waxa uu saamayn muuqata ku leeyahay Guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka Hayntoodu yar tahay, kuwaasi oo Shaqaalaha Dawladdu ka mid yihiin.

Shaqaalaha Dawladda ee Mushaharka ku qaata Lacagta Shilinka Somaliland, ayaa ka mid Dadka uu Sicir-bararka Dollarku saamaynta weyn ku leeyahay, maaddaama oo Qofka ku jira Guri kiro ah looga baahan yahay inuu Shilinka ku soo beddelo Dollar, taasi oo ka dhigan in Mushaharkii Qofku gebigiisuba ku soo ururrayo Kirada oo keliya, haddaanu kama yaraanin.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay ka hadlay waxyaabaha uu aaminsan yahay inay Sabab u yihiin Sicir-bararka Dollarka ayaa yidhi “Anigu waxaan ku talinayaa in la joojiyo Lacagta Dollarka ee wax lagu iibsanayo, oo Mabnuuc laga dhigaa in Dollar lagu bixiyo Dollar, Qaadkan aan faa’iidada lahayn ee Habeen walba 3 Boqol oo kun oo Dollar inagaga baxayaan, hala joojiyo ayaanu leenahay. Lacagtan Qaadka ee tallaabaysa hala qabto waa Kootarabaan’e.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay “Waddamada waaweyn ayaanad toban kun oo dollar oo keliya dibadda ugala bixi karin, innaga habeen walba Saddex boqol oo kun baa innaga baxa, haddii Sharciga aynu u dhowrno Qof awgii Sharci noqon maayo, haddaynu hebel dhowrayno Shacbigii baa dhibaato ku imanaysaa. Haddii Dawladdu ka adkaan waydo Baayac-mushtarkeeda Maamulkeedii wuu jilcayaa. Meel Dollarka lagu bixiyo Biilka oo wax lagu cuno Dalkeenaa jira, Lacagteennii baa istaagtay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sicir-bararkeenu Xadhkaha ayuu goostay, Dawladduna ma hayso Dollar ay Suuqyada soo geliso, waxani Aqoon buu u baahan yahay ee Siyaasad uma baahna, dhibaatada reer Somaliland ahaan ina haysataana waa Aqoon-darro. Wasaarad walba waxa fadhiya Qof aan Aqoonteedii lahayn oo waxa lagu keenay Siyaasad.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hore Wareegto uu soo saaray wuxuu amray in Boqolka Dollar aan lagu sarrifin wax ka badan 700,000 kun, laakiin amarkaasi sida muuqata ma shaqeynin ee wuu ka sii daray Sarrifku.

Sicir-bararka Dollarka ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Dalka ka jirto Abaar Adag oo Dad iyo Duunyaba saamaysay isla-markaana uu Sucuudigu xayiraad ku soo rogay Xoolihii noolaa ee Dhaqaalaha Somaliland ku tiirsanaa.

Xigasho:Himilo

Kaafi Media