SOMALILAND:Booliiska Oo Xidhay Xubin Ka Mid Ah Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI.

0
318

Hargeisa(Kaafimedia)Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Gelinkii hore ee Maanta xabsiga u taxaabay Cabdillaahi Axmed Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI, sidaana waxa Xaqiijyey Masuuliyiin ka mid ah Xisbigaasi.

Waxa kale oo ay Masuuliyiinta Xisbigaasi oo Warbaahinta la hadlay sheegeen in Ciidammadu ay garaaceen xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Aftax Siciid Jaambiir xili ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay u joogeen dhageysiga dacwad loo haysto Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis.

Dad Goob-joogayaal ah, ayaa sheegay in Siyaasiga ka midka ah WADDANI ee la xidhay iyo Xubno Xisbigaasi ka mid ahi buuq ka sameeyeen gudaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, xilli ay Maxkamadda ka socotay Dhageysiga Dacwadda loo haysto Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada iyo Xoghayaha Ciyaaraha, kuwaasi oo muddooyinkii dambe xidhnaa, laakiin Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hadda ka mid ah Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Siyaasiga la xidhay ay Ciidammada Booliiska oo Xoog ku soo galay gudaha Maxkamaddu xidheen oo aanu wax khalad ah samaynin.

Cabdillaahi Axmed Daamur, ayaa noqonaya Masuulkii Saddexaad ee Xisbiga WADDANI laga xidho, iyadoo hore ay u xidhnaayeen Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada iyo Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbigaasi, kuwaasi oo ah Labada Xubnood ee Saaka Dacwaddooda la dhegaysanayey.

Kaafimedia/Hargeisa