Gudoomiyah Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Kulan Wada-Tashi Iyo Diyaar Garow Ah Shaqadad Tirint Madax Taabashadda Iyo Tayey Shaqaalaha Xirifadle.

0
43

Hargeisa(Kaafimedia )Gudoomiyah Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Kulan wada-tashi iyo diyaar garow ah shaqadad tiran madax taabashadda

hay’adda shaqaalaha dawladdu la yeelatay agaasime-waaxeedyada Maamulka & Maaliyada iyo Maamulka Cudduda Shaqaalaha ee dhamaan dalka

– Kulankan ayey muhiimadiisu ahayd dardargelinta shaqada baaxada badan ee dhawaan hay’adda shaqaalaha dawladdu hufid iyo horumarin ugu samayn doonto dhamaan shaqaalaha dawladda

– Intii kulanku socday waxaa lagala hadlay agaasime-waaxeedyada; diyaarinta shaqaalahoodii iyo shuruudaha looga baahan yahay marka xafiiska loogu yimaado

– Waxaan wax kamid kala wadaagnay hiigsiga fog ee qorshahan ku aadan tayyeynta shaqaalaha dawladda kaasoo leh qorshayn, qaabayn, qalabayn , siyaasado iyo shaqo-daadajin ba.

– Waxaa sidoo kale u sheegnay waaxyaha maamulka maaliyada in isla marka la dhameeyo suggida tirada shaqaalaha dawladda iyadoo la kaashanayo bangiga dhexe la hirgalin doonno in qof walba lacagtiisa xisaab isaga u gaar ah ka qaato iyadoona meesha laga saari doonno in qof keliya soo qaado mushaharka iyo gunnada shaqaalaha

– Ugu dambayn waxaan masuulyiinta wasaaradaha iyo hay’addaha dawlada kala wareegnay liisaska magacda shaqaalaha ee ku sugan xarumaha iyo gobolada dalka , kaasi oo aan isku hubin doonno liiska u yaala xafiiska xisaabiyaha guud iyo hay’adda shaqaalaha

Bilowga Shaqaale tirsan oo tayyo le iyo adeeg hufan.

Kaafimedia Hargeisa office.

LEAVE A REPLY