Kevin Carter Wuxuu Ahaa Sawir-Qaade U Dhashay Dalka Koonfur Afrika Wuxuuna Sawirada Uu Qaado U Diri Jirey Wakaaladaha Wararka Faafiya Ee Adduunka.

0
109

Kevin Carter wuxuu ahaa sawir-qaade u dhashay dalka Koonfur Afrika. Wuxuuna sawirada uu qaado u diri jirey Wakaaladaha wararka faafiya ee adduunka.

Sawir qaade Kevin Carter Sannadkii 1993-kii ayuu shaqo u tagay dalka Suudaan oo xiligaa macaluul aad u daran ay ka jirtay dabeedna Wuxuu la kulmay inan ama gabar yar oo markii ay socon kari wayday jidka lagaga tagay.

Waxaa isla goobta ku sugnaa gorgor sugayey inta naftu si fiican uga dhammaanayso ama uga baxayso gabadha yar, si uu u cuno.

Kevin wuxuu qaaday sawirkan hoos ka muuqda oo ka mid noqday sawiradii ugu saameynta badnaa adduunka waxaana Sannadkii 1994-kii uu ku helay abaalmarinta “Pulitzer Prize” ee sawir qaadista lagu bixiyo.

Markii sawirka gabadha yar uu adduunka ku faafay-ayaa dad badani la soo hadleen oo la soo xiriireen warbaahinihii kala duwanaa ee sawirka daabacay, iyaga oo waydiinayey in inantii ama gabadhii la badbaadiyey iyo halka ay ku danbeysay ka dibna Markii sawir qaade Kevin la waydiiyey, wuxuu sheegay in uu halkii kaga tagay.

Waxaa hadaba dhacday in Bishii Luulyo 27-keedii Sanadkii 1994-kii uu Kevin Carter nafta iska qaaday oo is diley, kadib markii uu ka seexan waayey dareenka ah in uu gef ka galay bani aadamnimada.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale Mahadsanid

Xigasho: Axmed-Keyse Cali