Dalka Iiraan Ayaa Ku Eedeeysay Mareykanka In Uu Minj Xaabinayo Heshiiska Niyukleerka

0
103

Dowladda Iiraan ayaa sheegatay guul, iyada oo sida ay sheegtay dowladda Iiraan ay Mareykankanka ku guuldaraysteen in ay minja xaabiyaan heshiiska caalamiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

Madaxwayne Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in madaxwayne Trump uu marar badan isku dayay in uu minja xaabiyo heshiiska ,balse caalamka ay ka hor yimaadeen Mareykanka.

Heshiiskani ayaa Iiraan ugu baaqaya in ay xaddido barnaamijkeeda Niyukleera.

Dalka Iiraan ayaa waxa ay ku badasheen Xaddidaada barnaamijkeeda Niyukleerka in laga qaado cunaqabateenada saarnaa.

Maalinkii Sabtida,Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka taleefoonka kula hadlay rai’sul wasaraha Israail Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay muhimada ay leedahay in heshiiskan la dhowro.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay Mr Trump ayaa isaga oo ka cagajiidaya aqbalay in heshiiskani la dhowro muddo dhowr bilood ah.

Balse madaxwaynaha Mareykanka ayaa ugu baqay wadamada midowga Yurub oo heshiiska qayb ka ah in ay qasab tahay in wax laga badalo heshiiska .

Madaxawyne Trump ayaa ku hanjabay in heshiiska uu ka bixi doono haddii aan isbadal lagu samayn.

bbc

Kaafimedia