TAARIIKHDA JEEGAAN’TA + TAARIIKHDII DHAB-LIBAA.

0
318

Horta Sultan Hassan Hadalkiisa mid aan ka idhaahdo Jeegaanta la sheegana aan iyana Erey ka idhaahdo, Dhab-libaaxdii shalay Jirtayna Mid aan ka idhaahdo.

TAARIIKHDA JEEGAANTA IYO CURINTII SIIAANYO.
———————————————————-
Madaxweynihii dhawaan Xilka ka degey Axmed M.Siilaanyo, ayaa sanadii 2003-dii galay loolan adag oo doorasho isagoo la tartamayay Xisbigii Burburay ee Udub iyadoo waqtigaas la sheegay in Siilaanyo lagaga adkaaday doorashadii 80 cod.

Aqbalaadiisii kedib waxa Xisbigii Kulmiye baadheen sababaha keenay in laga cod bato weliba iyagoo aaminsanaa in lagaga shubtay oo ay iyagu guusha lahaayeen,

Udiyaar garowgii doorashadii xigtay ayuu Siilaanyo damcay in uu dib u dhiso xisbigiisii, waxaase ka awood badatay isbahaysigii Xisbiga UDUB iyo Beesha Galbeedka Burco oo samaystay Jeegaan loo yaqaanay DHAB-LIBAAX.

Axmed siilaanyo markii uu arkay in isbahaysigaasi awood badan yeelan karo ayuu diray odayaal ka tirsan Beeshiisa wuxuuna ka codsaday in ay cod uga doonaan Beesha ay walaalaha yihiin ee ay burco wada degaan oo taageero laxaadle waqtigaasi siinaysay Madaxweyne Riyaale,

Odayadii Bariga Burco iyo kuwii Galbeedka Burco ayaa fooda is daray sanadkii 2008-dii waxayna shir ka dhacay burco ay beesha Barrigu ku waydiisatay walaalohoodii Galbedka burco cod iyo taageero ay siiyaan Xisbiga Kumiye,

Dhamaadkii shirka kedib waxaa hadalka isaga danbeeyay laba oday oo beesha galbedka burco ka soo jeeday isla markaasna ka dareen celinayay Codkii iyo taageeradii ay weydiisteen walaalohooda bariga burco,

labadaas oday waxaa la kala odhan jiray INA DAAHIR KHASIIS iyo DEYR XINIINYO-DHEERE waxayna bixiyeen jawaab ahayd: “war horta nimankiinan Bariga Burco Fudayd waanu idinku ogayn laakiin Nacasnimo idinkumaanu ogayne, Cod isasiini inama dhex oolin”

Mid ka mida odayaasha bariga burco ayaa mikirifoonka qaatay oo isna yidhi “- “horta walaalahayaga galbeedka burcoow waa rag dhiiran baadtihiine waad ku mahadsantihiin sidaa aad warka cad noogu dhiibteen, Laakiin Xeer ha inoo ahaato in aynan Cod is weydiisan waa inoo xeer e ku biya caba.

sidaas ayayna hungadii kula soo noqdeen Siilaanyo,
Xaaji axmed wuxuu yaqiinsaday in awoodii Isbahaysigii DHAB-LIBAAX ay sii xoogaysanayso ayna adagtahay sida uu uga adkaadaa, kedib wuxuu isna Go’aansaday in uu dib u bilaabo isbahaysi la sheego in ay hore u jiri jirtay oo ka dhaxaysa beesha Galbeedka hargaisa iyo Beesha Barriga Burco odayaashii buu dib ugu yeedhay wuxuuna ka codsaday in ay ula tagaan walaalohooda, Galbeedha Hargaisa iyo Gebilay,

Waxaa la yimi hargaisa dhamaadkii snadkaas waxaana lala kulmay beesha Sultan Hassan Sultan Abdilaahi uu suldaanka u yahay hadda, waa la is hor fadhiistay beesha bariga burco waxay weydiisatay cod beesha galbeedka hargaisa iyo gebilay, jawaab ka duwan tii ay kala kulmeen walaalohooda ay burco wada degaan ayay ka heleen: “war nimanyohow dhagaysta Codkayaga waanu idin’siinaynaa laakiin anana maalinteeda ayaanu idinka rabnaa codkayaga iyo abaalkii oo aad gud’daan”, Hawraarsan ayaana lagu kala yimi.

Doorashadii ayaa lagalay 2010-kii waxaana halkii lagaga adkaatay isbahaysigii Dhab-libaax waxaana guulaystay JEEGAANTII cusbayd,

Siilaanyo ayaa madaxweyne noqday 7sanno kedib ayaa la galay doorasho,

Sultan Hassan Sultan Abdilaahi iyo 150 oday oo metelaya beelaha Subeer-awal ayaa tegey dhamaan deegaamada ay degaan Beelaha barriga burco waxa ayna weydiisteen cod sidii ay iyagaba shalay u siiyeen, waxaana lagu balamay in 13-ka nov 2017 laga sugayo bariga buco cod deyn ku ahaa

tartanka waxaa qayb ka ahaa Cabdiraxmaan Cirro oo ka soo jeeda galbeedka burco, qoladii galbeedku waxa ay damacday in ay cod ka hesho beesha barriga burco oo wax hore ka tirsanaysay, weliba iyagoo wata siyaasi aad miisaan weyn ugu leh barriga burco waa Xirsi X Cali-ye, xirsi iyo cirroba waxaa ka horyimi caqabadii ay beesha galbeedku sii dhigtay 10 sanno ka hor,

Beesha Barriga burco iyadoo dibaaqaysa diidmadii 2008-dii ayay albaabada ka xidheen walaalohood ilaa xisbigii waddani ka dhacayay.

taariikhda jeegaantu waa intaas

TAARIIKHDA DHAB-LIBAAX

Geeridii IHN Cigaale kedib waxaa dalka madaxweyne ka noqday Daahir Riyaale, wuxuuna isbahaysi la sameeyay beesha Galbeedka burco oo uu siinjiray saamiga ugu badan ee dalka, sida maaliyada bangiga qorshaynta hawlaha guud iyo xilal badan oo kale waxa kale oo ay lahaayeen badi maayarada dalka iyo badhasaabada oo uu riyaale ku taageeray,

Dhab-libaax ilaa markii laga adkaaday 2010-kii waxa ay ahayd isbahaysi buuxa oo awood badan waxa kale oo ay lahayd sababta curashada ama jegaantu ku timi.

markaa isbahaysiga waxaa bilaabay qolada iminka ka qaylisa ee cuqdada ka qabta, balse waxa la filayay in ay baaba’do jeegaantu guushii doorashada kedib, lkn waxaad moodaa in ay sii xoogaysanayso marka aad eegto hadalkii suldaanka ee shalay.

HADALKII Sultan Hassan Sultan Abdilaahi
————————————

shakhsiyan uma arko wax ceeba oo hadalkaas ku jiray, suldaan xasan keliya waxa uu u muuqday mid uga mahadnaqaya beeshaa ay is-jeegaamaysteen doorashadii codkii tirada badnaa ee ay siiyeen oo aan hore dalka uga dhicin in lagu kala adkaado 80,000 oo cod.

sultan xasan isagaa u tegey beesha barriga burco isaga iyo 150 oday fadligiisa ayaana kulmiye ku soo baxay, sidaa la’ajligeed buu mahadnaqa u bixiyay iyo kaftankii wada socday.

waxaan u arkayay keliya nin u qaadan waayay codkii waayo waxaa is le’egkaa codkii Bariga burco kulmiyeka helay, iyo kii somaliland oo dhan uu xisbiga waddani ka helay, tusaale ahaan xisbiga waddani waxa uu gobolada sanaag iyo togdheer kala yimi cod 4,000 ah oo uu dheeraa kulmiye, balse kulmiye ayaa 30,000 oo cod oo uu saraar kala yimi ayaa keenay in 4,000 ee sanaag iyo sool, iyo 2,000 oo ay awdal dheeraayeen kulmiye ka batay 24,000 oo cod oo saraar ah ayaa keenay in waddani sanaag, waddani togdheer, waddani awdal waxaa tiradii ay dheeraayeen kulmiye muquuniyay 30,000 ee cod ee saraar ka yimi.

suldaan xassana intaas uunbuu ka mahad celinayay.

HAATAN IYO MAXAA U DAN AH REER WADDANI
——————————–

Cuqdad iyo cunfigu dadkuunbuu kala eryaa, waddanina ku guulaysan maayo cuqdad iyo cunfiye waxa loo baahanyahay in uu siyaasad cusub ciyaaro oo qabyalada iyo fadhaanfadhkeeda berri baa lanaga adkaaday iska daayaan reer waddani oo u diyaar garoobaan in doorshada danbe guulaystaan, sidii bay hadaba ku guulaysanayaan laba waddo baa u furan.

1- waa in ay dhistaan gaashaan buur cusub oo ah REER BARRI oo dhan loona tartamo BARRI iyo GALBEED, waa in ay sameeyaan Gaashaanbuur Kulminaysa GALBEEDKA BURCO, BARRIGA BURCO, iyo GOBOLKA SOOL, kedibna tartanka gala doorashada shanta danbena ku guulaysta.

2- ama waa in ay hadda GAASHAANBUUR la noqdaan Beesha GEBILAY oo heshiis intay kala saxeexdaan cod isi siin ah shantan soo socota MUUSE biixi ayaa sharaxane intay u codeeyaan 10, sano kedibna ay iyagu isi soo sharaxaan oo wadani guulaysto.

labadaas wado baa furan, ileen qabyaalad la dayn waaye,

mid sadexaad baase jirta oo muhiim ah, waa in qabyaalada laga daayo qaranka oo dowladana lala shaqeeyo cunfi iyo caadifad intaynu iska dayno, nidaamka asxaabta ee aynu dooranay qaadno wadadadeeda oo, dimuqraadiyad ku codayno nin walbaa ninkuu doono doorto oo dowladnimadaa la ilaaliyo laguna wada noolaado, si walba ha ahaato e.
SOMALILAND GUUL

Suxufi Ali Mahadi Jibriil Hassan

Kaafimedia Hargeisa Office