“Maraykanka Waxa Uu Abuurayaa Urur Argagixiso” Madaxweynaha Turkiga

0
130

Ankara (Kaafimedia ):- Dowladdaha qeybta ka ah isbahaysiga ku lugta ku leh dagaalka sokeeye ee

dalka Suuriya ayaa kasoo horjeedsaday qorshe cusub oo uu Maraykanka ku doonayo in xudduuda Suuriya iyo Turkiga uga hirgaliyo ciidammo gaaraya 30 kun oo ka tirsan Kurdiyiinta, si baa la yiri ay amniga u sugaan.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid argagixiso oo la doonayo in qalaanqal lagu galiyo amniga dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray in uu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tabobarayo ciidammadaas.

Dowladda Suuriya ayaa iyaduna qorshahan ku tilmaamtay weerar qaawan oo lagu soo qaaday dalkeeda, halka dowladda Ruushka ay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Jabhadan Kurdiyiinta oo lagu magacaabo SDF ayaa qabsaday kumanaan kiilo mitir oo dhulka Suuriyada, iyaga oo ka qabsaday kooxda Daacish, waxayna gacan ka heleen duqeymaha Maraykanka.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay waxa ay la wareegeen magaalada Raqa, wixii ka dambeeyayna waa ay isa sii balaarinayeen.

Kaafimedia