Madaxweynihii Dhawaan Xilka Ka Degay Siilanyo Ayaa Boqosha Tacsi Ah Ugu Tagay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe Oo Wiil Uu Dhalay Lagu Dilay Suuriya

0
118

Hargeysa (Kaafimedia ):- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa maanta kulan tacsi ah ugu tegay gurigiisa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe oo wiil uu dhalay dhawaan ku geeriyooday dalka Suuriya.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu sheegay aabbihii.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. Xuseen waxaa la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

Kaafimedia Hargeisa Office.