Soomaaliya Maka Maarantaa Ciidammada Ajaaniibta Ah?

0
91

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira safar uu ku marayo qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna la kulmayaan soo dhoweyn ballaaran.

Waxaa la filayaa in uu maanta goobjoog ka noqdo dhaqangalka heshiiskii ay wada saxiixdeen maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca.

Hadaba madaxweyne Farmaajo waxaa amnigiisa sugaya ciidammo Soomaali ah. Waa markii ugu horeysay tan iyo markuu bilowday dagaalka Al-Shabaab.

Amniga madaxweynaha

“Sida heerka sare ah ee loo xoojiyay ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee socdaalka ku maraya goblada dalka, tusaale ma u tahay in dalka uu ka maarmayo ciidammo shisheeye?”ayuu is weydiiyay Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha wuxuu ka bilowday Garowe halkaas oo ay ku ilaalinayeen ciidammo ka raacay Muqdisho iyo kuwa maamulka Puntland.

Lahaanshaha sawirka SONNA Image caption Madaxweynaha oo ku dhexjira dad shacab ah oo ku soo dhoweeyay Gaalkacyo.

Meelaha qaar waxaa la arkayay madaxweynaha oo ku dhexjira dad shacab ah oo ay ka muuqato kalsooni aad u badan.

Xasan Xayle wuxuu yiri: “Waxaa aad u muuqatay, ka sokow soo dhaweenta diiran, sida ay ciidamada ammaanka ee Jooga magaalooyinka uu booqday Madaxweynuhu u hubeysanyihiin una abaabulanyihiin ee ay u ilaalinayaan nabadgelyada iyagoo si aad ah u xajinaya ammaanka Madaxweynahay iyo martida la socota”.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo ku safray dhulka laga billaabo Garowe illaa Boosaaso iyadoo ay ilaalinayeen ciidammo Soomaali ah. Meelaha qaar ee uu ku safray waxaa ku yaalla buuro waxaana mararka qaar ku dhuunto mintidiinta Al-Shabaab.

Balse waxaa goobaha qaar ku sugnaa ciidammo Soomaali ah oo aad u hubeysan oo saaran buuraha dushooda kuwaas oo sugaya amniga muddadii uu madaxweynaha ku jiray safarka dhanka dhulka ah.

Ka dib wuxuu u gudbay dhanka Gaalkacyo illaa cadaado, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb.

Ma jirtaa meelo aan looga maarmin ciidammada ajaaniibta ah?

Intii madaxweynaha uu ku jiray safarkiisa dhulka lama arag ciidammo shisheeye, inkastoo dadka dhalleeceeya ay ku doodayaan in ay ajaaniibta si qarsoon u ilaalinayaan madaxweynaha.

Balse xasan Xayle ayaa qabo aragti ah in ciidammada Soomaaliya ay ku filan yihiin sugidda amniga madaxweynaha iyo guud ahaan dalka.

“Arrintan waxay dhalisay su’aasha ah: Soomaaliya ma waxay xagga ammaanka ku dhawaatay in ay ka maaranto joogitaanka ciidamada shisheeye”, ayuu yiri.

Ciidammada sida rasmiga loo og yahay ee Soomaaliya ka howlgala waa kuwa AMISOM oo hadda isu diyaarinaya in ay ka baxaan Soomaaliya.

Balse waxaa la sheegayaa in ay joogaan ciidammo kale oo ka kala socda Mareykanka, Britain, Turkiga iyo dalal kale.

“Si kastaba, waxay ila tahay in aan weli la gaarin waqtigii ay noqon laheyd in laga wada kaaftoomo gacanta dhinaca ammaanka ee laga helo Beesha Caalamka, gaar ahaan ciidammada AMISOM”, ayuu ku taliyay Xasan Xayle oo ka faalloodo arrimaha Soomaaliya.

bbc

Kaafimedia Hargeisa Office,