Wasiirro Gobolka Gabiley U Tagay Qorshe Wax Lagaga Beddelayo Qaab-Dhismeedka Magaalo Xuduuda Tog-Wajaale.

0
58

Wajaale, 17 Jeeniweri, 2018 (Kaafimedia ) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud isla-markaana ay ka mid yihiin Wasiirka Isgaadhsiinta, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Xildhibaanno ayaa Maanta gaadhay Magaalad Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Weftigan oo ay Magaalada Wajaale ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gabiley, ayaa ujeeddada ay halkaa u tageen tahay inay sameeyaan Qorshe dib loogu nidaaminayo Habka ay Magaalada Wajaale u dhisan tahay, sida in Waddooyinka xidhmay la furo iyo in Meheradaha waddooyinka soo galay dib looga qaado, iyada oo niyada lagu hayo Meherado ku dhow 100 oo Bishii hore ku gubtay Magaalada Wajaale, kuwaasi oo badankoodu shuf-beeleen markii Gaadiidka Dab-damisku waayeen meel ay u maraan.

Maayarka Magaalada Wajaale Xaashi Maxamed Cabdi oo markii ay soo dhaweeyeen Weftigaasi la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahiyey ujeeddada ay Wasiirradu u tageen halkaasi, waxaanu yidhi “Waxa noo yimid Wefti Wasiirro, Xildhibaanno iyo Farsamo-yaqaannadii Wasaaradda Hawlaha Guud, ujeeddada Weftigaa culus u yimaaddeen waxa weeyaan dhibaatada dhanka (Town Plan-ka) ah ee ka taagan Tog-wajaale.”

Maayarka Wajaale wuxuu sheegay haddii hore Dadweynaha reer Wajaale ay Maamulkiisa ku eedayn jireen inay Wadddooyinka iibiyaan, aanu hadda ka dib wax waddo ah taaban doonin, maaddaama buu yidhi Ciddii Musuqmaasuq samaysa la xidhayo, waxaanu yidhi “Dadweyne faro badan ayaa Annaga nagu eedaynayey inaanu Waddooyinkii iibinay, haddaanu iibinay hadda wixii ka dambeeya Waddo dambe haddaanu taabano arrinkayagu waa xadhig, markaa Dadweynaha waxaanu u sheegaynaa Qofka waddo dambe dhista ama Shaqaalaha Laaluush siiya, in isaga iyo Cidda uu Laaluushka siiyeyba ay Xadhig yihiin.”

Mr. Xaashi waxa uu sheegay in Wefti ay Wajaale tagay ay u socdaan qabashada Hawl ay iyagu Maamul ahaan awood u waayeen “Qorshaha Dhismaha Magaalada (Town Plan) oo dhibaato badan innagu hayey, Annaguna (Maamul ahaan) aanaan awood u haynin, ayaa Madaxweynaheena Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi amar ku soo bixiyey inay yimaaddaan Weftigaasi isla-markaana ay Qorshe Magaaleedka Wajaale soo fuliyaan.”ayuu yidhi.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa farriin u diray Ganacsatada Magaalada Wajaale, waxaanu u soo jeediyey in Cid kasta oo Barande ku hor dhisatay Meheradddeeda ay muddo Saddex Maalmood gudahood ah kaga urursato Alaabta, haddii kale wixii dhibaato soo gaadha aanay iyagu Maamul ahaan Masuul ka ahayn.

Kaafimedia

LEAVE A REPLY