Machadka Cilmi Baadhista Ee Africa Research Institute Oo Barito Jimcha London Ku Qabanaaya Dood Su’aalo Toosa.

0
232

 

Hargeisa (Kaafimedia )Machadka Cilmi Baadhista Ee Africa Research Institute Oo Barito Jimcha London Ku Qabanaaya Dood Su’aalo Toosa Ay Dadku Ugu Waydiin Doonaan Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Iyo Goobjoogayaashii Caalamiga Ee Doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland Ka Qaybgalay

Wasiir Dr Sacad Cali Shire, Dr Micheal Walls Iyo Khubaro Kale Waxay Si Toosa Dadku Su’aalo Madashan Caalamiga Arimaha Dumquraadiyadda Iyo Doorashooyinka Xorta Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland Ugu Waydiin Doonaan.

Machadka Cilmi Baadhista ee Africa Research Institute, ayaa Magaaladda London ee Cariga Ingiriiska ku qabanaya Dood Cilmiyeed Su’aalo Toosa wax looga waydiin doono Arimaha Dumquraadiyadda iyo Doorashooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Xubno ka mida Goobjoogayaasha Caalamiga ee Doorashooyinka Dunida ee dabayaaqadii sannadkii hore ee 2017-kii Somaliland Kala Soo qaybgalay Doorashaddii Madaxweynenimadda ee qabsoontay 13/11/2017-dii.

Sida Mareegta EVENTBRITE.CO.UK ee dalka Ingiriiska lagu qoray, Kulan Cilmiyeedkan, ayaa ka qabsoomi Doona Barxad Caan ka ah magaaladda London ee dalka Ingiriiska ku taala, waxaana uu Machadka Africa Research Institute ee Kulankan soo qaban qaabiyey isla markana qabanaaya Dood Cilmiyeedkani uu sheegay in uu maalinta Barito oo Jimce ay Bishu tahay 19/1/2018-ka marka ay saacaddu tahay 12:30 ilaa 2 Maalinimo la qaban doono madashan.

Dood Cilmiyeedkan oo dadka doonaya inay ka qaybgalaan Tikidhadda lagu geli doono Barxadda Doodu ka dhacayso aan wax lacag ah laga qaadi doonin cida daneynaysa inay madashaasi ka qayb gasho, waxa lagu wargelinayaa, in Dood Cilmiyeedkan lagaga hadlaayo Jamhuuriyadda Somaliland , waxa laysku waydiin doona lagana doodi doona 2ba arimood kuwaas oo kala ah Su’aasha 1aad Doorashaddii Madaxweynenimadda ee Somaliland ka qabsoontay qaabkii ay u dhacday iyo Su’aasha 2aad oo ah Doorashadda Ka Dib Somaliland Maxay ka macaashtay doorashaddaasi.

Barnaamijkan Muhiimka ee arimaha Somaliland lagu falanqayn doono, waxa wasiirka Arimaha Somaliland Dr Sacad Cali Shire ku kala qaybgeli doona Dr Micheal Walls oo ah Guddoomiyaha Kormeerayaasha Caalamiga ee Doorashooyinka Dunidda (Chief Observers of International Election Observetion Mission) iyo Nimco Cali oo ah aasaasaha labaad ee ururka Daughters of EVE, kuwaas oo si wada jira su’aalaha dood cilmiyeedkan umuuraha Somaliland ee dhinaca dumquraadiyadda iyo Doorashooyinka lagu lafo guri doono mid kasta wixii laga waydiiyo uu uga jawaabi doono.

Suxufi,Cabdi Wali Ismacil

Kaafimedia Hargeisa Office.