WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKII MADAXWEYNIHII HORE SOMALILAND DAAHIR RAYAALE KAAHIN.

0
164

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaahdo Qun-ujeed oo woqooyi ka xiga magaalada Boorama sannadkii 1954-kii.

Wuxuu malcaamadda quraanka, dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay Degmada Boorama.

Dugsiga sare ee Cammuud, ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay 1974. Ka dib wuxuu u wareegay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo uu ka galay Dugsigii tababarka ee Xalane, halkaasoo uu kaga biiray Ciidankii Nabad sugida ee NSS Sannadkii 1975.

Daahir Rayaale Kaahin oo derejada Gaashaanle Sare ka gaadhay ciidankii Nabadsugidda ee Dawladdii kacaanka ahayd wuxuu intii u dhexeysay 1975 ilaa 1991 burburkii dawladdii Soomaaliya ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Berbera, Laascaanood, Burco iyo safaaradda Somaaliya ee Jabuuti.

Daahir Rayaale wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirweynihii beelaha reer Somaliland iyo jabhaddii SNM ee dib u heshiisiinta ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay markii danbe 18kii May 1991 goonni isu taagga Somaliland.1992 wuxuu guddoomiye gobol ka noqday gobolka Awdal, kadib wuxuu muddo ahaa ganacsade.

Bishii 23-kii February, 1997dii shirweynihii Beelaha Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee Madaxweyne loogu doortay mar kale muddo 5 sannadood ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isla markaa Daahir Rayaalena loogu doortay Madaxweyne Xigeenka Somaliland.

Madaxwaynenimada3-dii May 2002, markii Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Koonfurta Afrika ayaa saacado yar kadib loo dhaariyay Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland sida uu dhigaayay dastuurkaSomaliland.

Wuxuu isna Madaxweyne kuxigeen u soo xushay, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka tirsanaa golaha wakiilada.

Bilo ka bacdi ayaa Xisbiga UDUB isna uu u doortay Madaxweyne Rayaale in uu noqdo guddoomiyaha Xisbigaasi.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee ugu horreysay ee ay xisbiyo ku tartamaan Bishii April sannadii 2003, ayaa Daahir Rayaale Kaahin kaga guuleystay 80 cod oo keli ah musharraxiixisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyadoo tartankana uu ku jiray Feysal Cali Waraabe oo isna ka sharraxnaa Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Shantii sannadood ee Daahir Rayaale loo doorty Madaxweynaha waxay kaga ekeyd April 2008 laakiin doorashadii Madaxtooyada oo aan qabsoomin awgeed ayaa dhawr jeer golaha guurtiduu kordiyeen inuu xilka sii hayo inta doorasho ka dhacayso.

Daahir Rayaale siddeedii sannadood ee uu xilka hayay madaxweynaha waxaa Somaliland ka qabsoomay doorashooyinkii baarlamaanka iyo kuwa golayaasha deegaannada Somaliland.

Ugu Dambayntii Doorashadii Dhacday 2010 Oo Lagaga Guulaystay Tartankii Doorashada Wuxuu Daahir Rayaale Kaahin Sifo Xilkasnimo Ugu Wareejiyey Taladii Dalka Mudanihii Kaga Guulaystay Oo Ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo

Daahir Rayaale wuxuu leeyahay xaas, Huda Barkhad Aadam, iyo Afar Caruur ah saddex wiil iyo gabar.

Cabdiwahaab Unity Boorama

Kaafimedia Hargeisa Office.