Madaxweyne Bulshada Somaliland Waxay U Oomantahay Dowlad Wanaag {Good Governance}

0
46

Qarniga casriga ee la joogo aduunka ama dowladaha jiraa waxay ku kala hormareen halbeega la yidhaahdo dowlad wanaag, {Good Governance}, taasina waxay u baahan tahay hadba sida uu u fahmo hogaamiyaha toosan ama bulshada u baahan in lagu dhaqo sidaamka dowlad wanaag oo ah ka maanta la isku dhaafay, kana hirgalay gaar ka mid ah qaarada afrika ama dunida sadexaad wamada loo yaqaano, sida wadanka Rwanda, Botswana iyo koonfur Afrika.

Waa Maxay Dowlad Wanaag?
Dowlad wanaag, waa nidaam ka mid ah go’aamada lagu socodsiiyo hawlaha dowladnimo, taasoo leh wanaag iyo xumaan labadaba, dowlad wanaag waxay leedahay tiirar ay ku taagan tahay oo hadii aanay jirin ama aan lagu dhaqmin ma’baadiida dowlad wanaag, taa macneheedu waxaa weeye wadankaa kama jirto dowlad wanaag,hadii aan la fulin shuruudihii saldhiga u ahaa dowlad wanaag.
Dowlad wanaag waa mab’baadii dowladnimo oo ku dhisan hanaanka dumuqraadiyada, waxaana muhiim ah in ay leedahay ka qayb galka siyaasada, dhaqaalaha dal iyo in loo sinaado fursadaha shaqo ama maalgashi ee dalka.
Tusaale ahaan Somaliland, maanta waxay u baahan tahay in laga hirgeliyi nidaamka dowlad wanaag, si loo gaadho horuumar, loogana fogaado saboolnimada iyo maamul-xumadadowladinimo ee aynu soo aragnay mudadii ay Somaliland jirtey, taasoo wax badan ka lumisay horuu-socodkii Somaliland.

Sidee Buu Madaxweynaha Cusubi Somaliland Uga Hirgelin Karaa Dowlad wanaag?
Hirgelinta nidaamka dowlad wanaag, si fudud ayuu madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu u hirgelin karaa, waayo waxay ku xidhan tahay aragtidiisa siyaaseed, dhaqaale, horuumarineed ee u qorshaysayn uu dalka ka hirgeliyo mudada uu xilka hayo, isaga oo ka duuliya la dagaalanka musuq-maasuqa, saraynta sharciga, ka qayb galka siyaasada ee bulshada, talo-wadaaga, isla xisaabtanka iyo sinaanta bulshada ee arrimaha qayraadka dalka, {Accountability and Transparence}.
Dowlad wanaaga laga filayo madaxweynaha ee bulshadu u baahan tahay waxaa ugu wayn in dalka laga nadiifiyo musuq-maasuqa, kaasoo ragaadiyey horuumarka Somaliland, musuq-maasuqu keliya maaha dhaqaalaha dalka oo la xado, balse waxaa muhiim ah in ay musuq-maasuqa ka mid tahay dhinaca shaqada oo intii loo baahnaa aan la shaqayn ama saacado yar la shaqeeyo sida hada jirta, dalka dadkiisu ay shaqaynayaan 6 saacadood ama 5 saacadood sidee buu horuumar ku gaadhayaa?.
Talooyin: Si loo Helo Dowlad Wanaag.

1- Madaxweyne si loo helo dowlad wanaag, waxaad xooga saartaa sidii dalka looga cidhib tiri lahaa musuq-maasuqa, nooc kasta uu yahay qaabkasta oo loogu yeedho.
2- Madaxweyne si loo helo dowlad wanaag, xooga saartaa daryeelka shaqaalaha dowlada iyo ciidamada, adiga oo kordhinaya musharka ay qaataan siinaya mushar ku filan, si uu meesha looga saaro musuq-maasuqa.
3- Madaxweyne, waqtiga shaqada dowlad ee la shaqeeyo waa in ay noqotaa labada gelinba, taasoo lagu gaaadhayo horuumar, hay’adaha dowliga ah oo awood yeesha iyo guud ahaanba in uu kordho wax soo saarka bulshada Somaliland, Human Resource.
4- Madaxweyne si ay dalka uga hirgasho dowlad wanaag, waa in aad xooga saartaa isla xisaabtan, taasoo aan waqtigan ka jirin hay’adaha dowlada, hadii la helo isla xisaabta, macneheedu waxaa weeye waxaa la gaadhay horuumar la mahadiyey, hadiise aaanay jirin isla xisaabtan musuq waxba lagama qaban karo iyo shaqo wanaagsana la qaaban mayo.
5- Madaxweyne waxaa muhiim si loo helo dowlad wanaag, in sharcigu sareeyo, oo qofkastana uu sharcigu qabtaa, xilka uu doono ha hayo, masuulkuu doono ahaato, taasi waxay keenaysaa in shacabku aamminaan sharciga iyo dowladnimada.
6- Madaxweyne si loo helo dowlad wanaag, waa in la helaa sinaan {Transparence}, iyada oo loo sinaayayo dhamaan qayraadka dalka, fursadaha shaqo, maalgashiga dalka iyo hanaanka dowladnimo iyo xorriyada dalka oo kor loo qaado.
7- Madaxweyne si loo helo dowlad wanaag, waa in la bilaabaa mashruuca dadka dalkooda lagu jeclaysiinayo, ay ugu horayso in bulshada lagu hanooniyo in ay ka qayb qaataan nadaafad dalka, adiga oo madaxweyne qaadanaya fekerkii uu dalkiisa ku hormariyey hogaamiyihii Singapore Lee Kuan Yew, oo dalkaas xukumayey 1959 ilaa 1990, hal ku dhegiisa uu dadkiisa u hanooniyey ee uu horuumarka ku gaadhsiiyeyna ay ahayd qurux iyo cagaar, {clean and Green}, isaga oo horuumarka dalkiisana ay sabab u ahayd ganacsiga xorta iyo maalgashiga caalamiga ah.
8- Madaxweyne si loo helo dowlad wanaaag, waa in aad la timaatid aragti fog oo ku saabsan sidii Somaliland, ay u gaadhi lahayd horuumar aad hormood u tahay, waa in la helaa masuuliin ka soo bixi kara masuuliyada dowladnimo, kana midho dhalin kara himiladaada.
9-
Gunaanad:
Madaxweyne shacabka Somaliland waxay kaaga fadhiyaan ama kaa rajaynayaa in aad hirgelisid dowlad wanaag, taasoo ah nidaamka keli ah ee Somaliland, ay ku gaadhi karto horuumar bulshada somalilandna ay raali ku wada noqon karto.
Madaxweyne,waa in nidaamka dowladnimo laga saaraa qabyaalada, oo laga tirtiraa, waa in sidaam iyo sharci dabar u noqda loo sameeyaa madax dhaqameedka dalka fidnida gelin kara, waa in la joojiyaa madaxweyne Suldaamada maalin walba la caleemo saarayo.

W/Q, Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland.

Kaafimedia Hargeisa Office

LEAVE A REPLY