Madaxweyne Sisi Ayaa Markale U Tartamaya Madaxtinimada Masar.

0
49

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ee dalkaaai.

Doorashadaasi ayaa noqon doonta tii saddexaad ee ka dhacda dalka Masar idii 3-dexaad ee tan iyo markii uu kacdoonka ka dhacay dalkaasi Masar, taasi oo sababtay in xilka laga tuuro Madaxweynihi hore ee Masar; Xusni Mubarak.

Sidookale sarkaal sare oo katirsan ciidamada Masar oo lagu magacaabo Sami Anaan ayaa isna xaqiijiyay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada ee Masar.

Mr Sami ayaa bartiisa Facebook ga ku qoray inuu doonayo inuu soo afmeero dhaqaalaha dalkaasi ee u xiran milateriga oo keliya.

Hadalka Madaxweyne Sisi ayaa ah mid la filayay, waxaana loolanka madaxtinimada isaga baxay madaxii hore ee ciidamada cirka ee Masar Axmed Shafik

bbc,

Kaafimedia Hargeisa office.

LEAVE A REPLY