“Mudnaantayda Ugu Horaysa Waa Nabadda Iyo Xasilloonida, Waad Ogtahay Oo Waxaynu Joogna Gobol Aad U Fawdo Badan”, Madaxweyne Muuse Bixii

0
62

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanu saldhigga Militari ee Imaaraadka ee Berbera aanu waxba yeeli doonin ammaanka dalalka dariska ah. Waxa uu sheegay in ay Itoobiya ka doonayaan qaybtooda isticmaalka dekedda Berbera.

“Mudnaantayda ugu horaysa waa nabadda iyo xasilloonida, waad ogtahay oo waxaynu joogna gobol aad u fawdo badan, waxaana jira dagaallo badan gobolkan Afrika dhammaan. Sidaas awgeed mudnaantayda koobaad waa ammaanka iyo xasilloonida dalka, haddii aad nabad haysato horumar waad samayn karta sidaas ayay mudnaantayda koobaad u tahay nabadda,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse oo la hadlay telefishanka dunida la hadla ee Shiinaha.

Madaxweyne Muuse waxa la waydiiyay sababta uu muhiimadda u siiyay imaanshaha Itoobiya iyo la kulanka madaxdeeda waxaanu ku jawaabay “Sidaas ogtahay Itoobiya awood weyn bay gobolka ku leedahay; dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo militiari ahaan. Itoobiya waa dal aan bad lahayn waxaanu doonayna in aanu noqono mid ka mid ah muranada laga soo galo Itoobiya, Itoobiya waxay leedahay dekeddo badan oo ay dunida kala macaamisho marka in aanu saamigayaga helno ayaanu doonayna, ta labaadna gobolka qalalaase badan baa ka jira waxaanu doonayna in aanu iska kaashanno ammaanka,”

Madaxweynaha Somaliland waxa la waydiiyay sida uu u wajahayo caqabada ugu weyn Somaliland oo ah citiraaf la’aan waxaanu ku jawaabay “Waxaanu abuurnay jawi dimuqraadiyadeed, waxaanu talaabada labaad abuurayna jawi dawlad wanaag, marka waxaan rajaynaya in ay noqonayso niyad wanaag samaynta dawlad wanaag iyo dimuqraadiyad aan ka jirin dalalka kale ee Afrika. Markaas ayaanu ururada IGAD iyo Midawga Afrika ka dhaadhicinayna in qadiyaddayadu Siyaasad ahaan sax tahay, sharci ahaan sax tahay, niyad ahaana sax tahay.”