Sawirro Laga Qaaday Hawada Sare Dhinaca Satelite Oo Muujinaya 4000 Qoys Oo Guryahooda La Burburiyay.

0
67

Hay’adda Xuquuqal iisaanka caalamiga ah ee Amnesty International ayaa soo bandhigtay sawirro cusub oo Satelite-ka lagu qaaday oo muujinaya in guryo ay degenaayeen kumanaan qoys cagaf la galiyay laguna khasbay in ay baro la’aan noqdaan. Hay’addu waxay sheegtay in afar kun oo qoys hoy la’aan noqdeen kadib markii bilihii la soo dhaafay ciidamo wata cagaf galeen kuna khasbeen inay ka baxaan aagag ay degenaayeen sidaasna cagaf lagu galiyay.

29-kii iyo 30-kii bishii December 2017 ayaa ogaysiis la’aan ciidamo ay weheliyaan cagafyo( bulldozers) ay soo galeen si ay guryaha u dumiyaan sida laga soo xigtay hay’adda qaramada midoobay ee UNICER iyo Save The Children. Hay’addaha ayaa sheegay in guri ka saarista khasabka ahi barakicisay 24,000 qof oo dadka gudaha ku barakacay ah kuwaas oo ay ku jiraan 3,000 carruur ah.

Amnest waxay sheegtay in sawirrada Satelite-ka ee ay lafa gurtay iyada oo la eegayo ka hor, kadib iyo intii hawlgalka labada cisho ah la waday muujinayaan burbur iyo bannayn laxaad leh. Sarkaal u hadlay xuquuqal iisaanka UN-ta ayaa sheegay in burburka ay ku jiraan dugsiyo, xarumihii arrimaha bulshada iyo musuqulo.

Kuxigeenka agaasimaha bariga Afrika ee Amnest International Sarah Jackson ayaa sheegaysa in sawirrada la soo bandhigay muujinayaan baro bixin khasab ah oo laga argagaxo, islamarkaana la burburiyay goobihii, guryihii iyo hab nololeedkii kumanaan qoys oo ah kuwa nugul.

Amnest International ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqday in la joojiyo dhammaan guri ka saaridda khasabka ah, wixii ay ka fursan waydana loo raaco sharciga, islamarkaana dadkaasi lagu xadgudbay la siiyo xuquuqdooda sida magdhaw laga siiyo khasaaraha soo.

https://www.amnesty.org/en/latest/news/2018/01/somalia-satellite-imagery-reveals-devastation-as-thousands-evicted/