Wax Ka Baro Taariikh Nololeedkii Madaxweynihii Hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

0
115

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waa siyaasi Soomaaliyeed.

Waa Reysal Wasaarihii 3-aad ee Soomaaliya, marka laga soot ago Xukumaddii Daaqiliyada la oran jiray oo hogaankeedii ugu sareeyay uu ahaa Reysal Wasaare,kaasoo ahaa Allaha u naxariistee, Cabdullaahi Ciise Maxamuud, waana madaxweynihii 2-aad ee maamulka Somaliland.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhashay degmada Ood-Weyne oo ka tirsan gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya 1920-aadkii. Gobolada Waqooyi Galbeed, Togdheer iyo Sanaag ayuu inta badan qeybihii hore ee noloshoosa kusoo qaatay.

Abbaaro 1930-aadkii ilaa 1940-aadkii ayuu WaxbarashadiisiiQur’aanka iyo Dugsiyada Hoose/Dhexe ku qaatay degmooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh ee Soomaaliland.

Kadib dalka Ingiriiska ayuu ku qaatay Waxbarashadiisii Sare ee dhinaca ganacsiga.

1950-aadkii ayuu Cigaal dib ugu soo noqday Soomaaliya, waqtigaasna waxaa dalka ka jiray dhaqdhaqaaq xoogan oo Xornimo doon ah, xiligaas oo Waqooyiga Soomaaliya uu ka jiray Xisbigii SNL, kaas oo uu Cigaal u noqday Xoghaye.

Markii lasoo gaaray waqtigii Xuriyadda Soomaaliya, Cigaal waxa uu ahaa masuulkii saxiixay in inuu Ingiriisku siiyo xornimadooda dhulkii Soomaalida Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysan jiray 1956-kii.

Isla isaga ayuu ahaa hogaamiyihii Waqooyiga Soomaaliya ee waqtigaas ee markii ay Xornimada qaateen kadib keenay midnimadii Soomaaliya 1960-kii, markaas oo ay midoobeen Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Waxa uu soo noqday Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ee ugu horeeyay, sidoo kale waxa uu ahaan jiray Wasiirka Tacliinta, isaga oo markii dambe ka mid noqday Xisbigii Mucaaradka ee SNC, balse markii dambe waxa uu ka mid nqoday Xisbigii SYL.

1967-kii ilaa 1969-kii, Cigaal waxa uu ahaa Reysal-Wasaarihii Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Isaga oo Reysal Wasaare ah markii Militarigu Soomaaliya qabsaday 21-kii October, 1969-kii, waxaa qabtay oo xabsiga dhigay Taliskii Maxamed Siyaad Barre, isaga oo xirnaa ilaa 1981-kii.

Kaliya waxa uu xabsiga banaanka ka joogay waqti dhexe oo ku beegneed inta dhaxeysay 1975-1976-kii, xiligaas oo uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee New-Delhi, Hindiya.

Isla bartamihii 1980-aad, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa loo magaacabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, hase ahaatee durbadiiba wuu iska casilay jagadaas.

Cigaal waxa uu 1991-kii ka qeyb qaatay ololihii Gooni Isu-Taaga Somaliland, kadib markii ay burburtay Dowladnimadii Soomaaliya isla waqtigaas.

1993-kii ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, isla jagadaas ayaana haddana 1997-kii loo doortay mar kale, isaga oo ilaa 2002-dii haayay jagadaas.

[1]Waxbarashada1930-aadkii, Dugsiga Qur’aanka, Dugsi Hoose/Dhexe, Burco, Barbara iyo Sheekh-Soomaaliya1940-aadkii- Waxbarasho Sare, Dhinaca Ganacsiga-London, Ingirisiiska[2]Waaya-aragnimada iyo Shaqada1956-1960- Xogahayaha Guud ee SNL ee Waqooyiga Soomaaliya26 June,1960- Saxiixe Hishiiskii Gumeystihii Ingiriiska Uga Baxay British Somaliland1960-1963- Wasiirka Gaashaandhiga

Soomaaliya1963-1964- Wasiirka Tacliinta Sare1964-1967- Xubin Xisbiga SNC iyo Xubin Xisbiga SYL1967-1969- Reysal Wasaaraha Soomaaliya1975-1976- Danjiraha Soomaaliya ee New-Delhi, Soomaaliya1984-kii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya1991-1993- Ololeeleye Gooni Isu-Taaga Soomaaliya

1993-2002- Madaxweynaha Maamulka SomalilandDhimashadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal4-tii May, 2003-dii ayuu Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku geeriyooday magaalada Pretoria, South Africa, halkaas oo uu xaalad caafimaad u tagay bishii Aprile, 2002-dii. Da’ 70-aad ayuu Cigaal ku geeriyooday, waxaana meydkiisa la keenay magaalada Barbara ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.[3]

Cabdi wahaab Unity

Boorama Somaliland

Kaafimedia