Caruur Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Meel U Dhow Mandheera.

0
64

Ilaa 4 ilmood ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen Tuulo la yiraahdo Eymoole oo ka tirsan deegaanka Takaba ee degmada Mandheera, ka dib markii aalad ay ku cayaarayeen ay ku qaraxday.

3 ka mid ah carruurtaas, oo dhamaantood wiilal ah, ayaa isla goobta ku naf baxay, halka mid afaraadna uu ku dhintay xarun caafimaad.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa arrintaas u xaqiijiyey BBC, wuxuuna intaa ku daray in laba ilmood oo kale loola cararay Mandheera si looga daweeyo dhaawacyo soo gaaray.

Lama oga waxa qaraxa dhaliyey, waxaase loo badinayaa in ay tahay miino halkaa lagu aasay xilligii gumaysiga.

bbc

Kaafimedia