Dr Edna Aden: Saddex Talaabo oo Waaweyn oo ay ku Guulaysatay Xiligii ay haysay Xilka Wasiirka Arrimaha Debada JSL.

0
210

Mara hore aan tilmaamo in Muwaadin kasta oo Xil qaran ka qabtay Dalkeena 27 kii sanadood ee la soo dhaafay uu ku dedaalay intii karaankiisa ah in uu sii hagaajiyo waxna ku sii kordhiyo Xafiiska ama masuuliyadii loo dhiibay, waana ta uu Qarankeenu ku soo gaadhay hala uu maanta marayo.

Waxaan Jeclaystay inaan halkan ka xuso Marwo Dr Edna Aadan Ismaaciil oo Xilka Wasiirka Arrimaha Debada haysay intii u dhaxaysay Sanadihii 2003/2006 in ay wax badan oo dhaxal gal ahi u qabsoomeen, waxaanan jecelahay inaan saddex qodob oo kaliya ka xuso.

1. Dr Edna waxay Culays iyo cadaadis xoog leh ay saartay Ururka Midowga Afrika AU oo ay dariiqyo kala duwan u martay, waxaana dedaalkaas Wasiir Edna uu keenay in ururka Midowga Afrika uu go’aansaday in uu gudi xaqiiqo raadis ah u soo diro Somaliland taasoo ahayd talaabo guul weyn u ahayd Qaranka, waxaana AU fact-finding mission ay Somaliland yimaadeen intii u dhaxaysay April 30 – May 4, 2005. Warbixintii ay soo saareen iyo halkay ku danbaysay waa inoo mar kale iyo mawduuc kale.

2. Waxa kale oo Dr. Edna ay si xoog leh oo dariiqyo kala duwana ay u martay oo ay ku qancisay in Dawlada iyo Baarlamanka UK in ay soo arkaan wafdi culusna u diraan Somaliland. Waxaana dedaalkaasi uu keenay inay Dalka Booqasho ku yimaadaan Wafdi Culus oo Baarlamaanka Ingiriiska ka socda iyo Safiirkii Uk iyo saraakiil arrimaha debada ka socotay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanada Alun Michael , Kerry McCarthy MP,, Clive Peth, Mark Hendrik iyo Xubno kale oo uu ka mid ahaa safiirkii UK Bob Dewar. Waxaana booqashadan ka dhashay arrimo badan oo waxtar u lahaa Dalka.

3. Dr Edna waxay isla Xiligaas xidhiidh aad u xoggan la yeelatay Ururka Jaamacada Carabta oo iyaguna aakhirkii go’aansaday inay gudi xaqiiqo raadin ah soo direen kuwaasoo aad ula yaabay waxay Somaliland ku soo arkeen, waxaabay aad uga xumaadeen sida ay Carabtu u dayacday Somaliland. Inkasta oo ilaa hada aynaan dedaalkii loo baahnaa gelin dhinaca Carabta.

4. Waxaa kale oo Xusid Mudan in Dr Edna ay gaadhay farriinteenana ka gudbisay Laamaha ugu waaweyn Warbaahinta Dunida oo aad iyo aad u jecel Warysiyadeeda iyada oo ah qof Allah u dhaliyay Aftahanimo iyo sida dadka wax looga dhaadhiciyo.

Dhinaca kale waxa Mudan in aynu ogaano in Dr Edna Xidhiidhka gaarka ah ee ay la leedahay Caalamka iyo Xushmada ay Dunidu u hayso aanuu jirin qof Somaliland ah oo gaadhay, marka laga tago Waxqabadkeeda dhinaca Caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada ee ay ku fooggan tahay had iyo jeer, waxaa muhiim ah inaynu tilmaano in ay Dr Edna Adan ay tahay qof caan ah oo kumanaan saaxiib ku leh dunida, meeshii ay tagtana fadhiga looga kaco.

Inkasta oo ay Somali ahaan Caado inoo tahay inaynu ammaano qofku marka uu dhinto oo kaliya, hadana waxaa haboon qofku intuu nool yahay in loo qiro wuxuu qabtay loona mahad naqo.

Waxaan Aaminsanahay soona jeedinayaa in Qof kasta halka uu ku haboon yahay la dhigo oo shaqada uu ka soo bixi karo loo diro haddii aynu doonayno in Ummad ahaan aynu gaadhno Yoolka aynu higsanayno.

Amb.Kaysar C/lahi Mohamed

Kaafimedia Hargeisa Office.