Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ayaa Soo Gebo Gebaysay Diyaarinta Shuruudaha Laga Rabo Shaqaalaha Dawladda Ee La Diwaangelinaayo.

0
86

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal uu  kaga hadlaayo inay Maanta si rasmi ah u dhamaystirtay hay’addiisu dhamaan shuruucdii iyo aqoon korodhsigii iyo hawlihii kale ee furaha u noqonlaha bar bilawga Mashruuca Madax Taabashadda, tirinta iyo tayeynta shaqaale weynaha Dawladda ee goboladda iyo Degmooyinka Somaliland kala jooga oo 2-da Bilood ee soo socda ay Hay’adda shaqaalaha dawladdu ku sugi doonto tiradda iyo tayada shaqaalaha dawladda.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka hadlaayey Dhamaystirka Shuruudaha Looga Baahan yahay Shaqaalaha Dawladda ee  bar bilawga Mashruuca Madax Taabashadda, tirinta iyo tayeynta shaqaale weynaha Dawladda oo 2-da Bilood ee soo socda ay Hay’adda shaqaalaha dawladdu dalka ka bilaabayso waxa uu qoraalkiisu u dhignaa.

Diyaar-garowgii oo soo dhamaaday iyo shuruudaha laga rabo Shaqaalaha oo dhamaystiran.

– Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey hay’adda  shaqaalaha dawladdu ku hawalanayd qabyo-tirka qorshaha tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda iyo carbinta hawl-wadeenada hawshan fulin doonna , ayaa waxaa si dhamaystiran u soo gabo-gaboobay diyaaarinta, tijaabada iyo gogol xaadhka hawshan quruxda qaranka u horseedi doonta

– Haddaba, adeege, si aad uga mid noqoto shaqaalaha la tirinayo si loo tayyeeyo isla markaana aanad goobta u iman adiga oo shuruudaha diiwagelinta qodobo kaa qabyo yihiin, fadlan halkan ka hubi shuruudaha aasaasiga u ah in aad hesho diiwaangelin dhamaystiran:

  1. In uu xaashida jawdalka lacag bixinta (Payroll) ku jiro
  2. In uu sito Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinnimada Somaliland (National ID)
  3. In uu sito Shahaadooyinkiisa Waxbarasho ee asalka ah (Original) oo looga baahan yahay shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka A “Heer Jaamacadeed” iyo B “Dugsi sare’
  4. Shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka C iyo D ee u qalma darajo intaa ka sarraysa waa in ay la yimaaddaan shahaadooyinkooda waxbarasho ee asalka ah (Original) taas oo u horseedi karta in ay helaan derejo beddel.

Shaqaale Tirsan iyo Adeeg Tayyo le waa Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Kaafimedia Hargeisa Office,