Khilaafkii Ka Dhex Qarxay Mayirka iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Oo Sababay In Shaqaalaha Dawlada Hoose Si Rasmiya U Helaan Mushaharadoodii

0
72

wararka  naga Soo Gaadhaya Qaar Kamida  Shaqaalaha Dawlada Hoose Ayaa Si Weyn U Bogaadiyey Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale  In U Saddex Bilood Laba Wiig Gudaheed Ku Bixiyey,

Taas Oo Ay Shaqaaluhu Ku Sababeyeen Inuu Hakiyey Lacagaha Lagu Shubo Banka Somaliland, Taas Oo Sababtay In Maamulka Sare Ee Dawlada Hoose Ay Isticmaali Jireen  Kolba Lacagta Ku soo Dhacda Banka.

Taasina ay Sababtay Shaqaalihii Ku Soo Dadaalay Lacag Ururinta Waayaan Mushaharkii Xaqa Ay U Lahaayeen Balse Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose U Amar Culus Ku Bixiyey In Marka Hore Shaqaalaha Laga Siiyo Mushaharka.  Kadibna Wixii Baaqi Noqda Lagu Shubo Banka Somaliland Taasina Ay Meesha Ka Saartay Lacagihii La lunsan Jiray,

Waxaa Xusid Mudan In Laba Wiig Ay Ku Helaan Saddex Bilood Mushaharka. Shaqaaluhu Ay Tahay Guul Qaranka iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose U Soo Hoyatay, Iyado Ay Ku Bogaadiyeen Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale, Talabada Wax Ku Oolka ah Ee U Ku Talaabsaday,

kadib Markuu Hakiyey Lacagihii Maamulka Sare ay Isticmaali Jireen Taasina ay Sababtay In Deyntii Shaqaalaha  Si Isku Xigta U Helan Biloyinkii Ka Maqna. Balse Waxaa ay Shaqaaluhu U Dheg Taagayaan Isbedelka Ka Curtay Xukumada Sare Inuu Saamayn Doono Mayirka Caasimada Hargeysa Ee Waqtiga Badan Dul Fadhiyey Kursiga Caasimada Hargeysa Looga Arimiy.

Xigasho:Waabari

Kaafimedia Hargeisa Office