Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ayaa Ku Waaberiistay Deegaanka Tukaraq Kulamo U La Qaatay Bulshadda Deegaanka Iyo Ciidamadda Qaranka Jiidda Oo Dareen Faraxadle Ku Qaabilay

0
62

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane,Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici Oo Safar Ku Maraaya Gobolada Bariga Somaliland,Ayaa Saaka Ku Waa Beriistay Deegaanada Jiida Hore Ee Ay Joogaan Ciidamada Qaranka Somaliland Gaar Ahaana Deegaanka Tukaraq Oo Dhowaan Ciidamada Somaliland Ka Qabsadeen Maamulka Puntland

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Weftida Uu Hogaaminaayo Ayaa Gaadhay Deegaankaasi Waxaanay Kulamo La Qaateen Bulshada Kunool Deegaanka Tukaraq Iyaga Oo Ku Baraarujiyey Inay Ilaaliyaan Nabad Gelyada Iyo Kala Danbaynta

Shebekada BurcoOnline Oo Khadka Telefonka Kula Xidhiidhay Goob Jooge Ku Sugan Deegaanka TUKARAQ Ayaa Noo Xaqiijiyey In Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Halkaasi Ka Jeediyey Khudbad DHeer Oo Ku Taxaluqda Qadiyada Iyo Jiritaanka Somaliland,

Dhanka Kale Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ku Sugan Deegaanka TUKARAQ Waxa Uu Fariin U Diray Maamulka Xasarada Badan Ee Puntland,Isaga Oo Uga Digay Inay Kusoo Xad-gudbaan Xuduuda Somaliland,Waxaanu Sheegay Inay Cidkasta Oo Kusoo Xadgudubta Xadka Jamhuuriyada Somaliland Ay Ku Dhufan Doonaan Dhirbaaxo Kulul,

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxaa Safarka Ku Wehelinaaya Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland,Wasiirka Kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Xukuumada

Safarka Uu Madaxweyne Ku Xigeenku Ku Tagay Deegaanka TUKARAQ Ayaa Ah Kii Ugu Horeeyey Ee Madaxweyne Ku Xigeenku Ku Tago Jiida Hore Tan Iyo Intii Loo Dhaariyey Xilka Madaxweyne Ku Xigeen,,Iskusoo Wada Duubo Xaalada TUKARAQ Ayaa Ah Midnabadeed Isla Markaana Aan Laga Dareemayn Wax Dhaq dhaqaaqa,

Xigasho: Burcoonline

Kaafimedia Hargeisa Office.