Kulan loogu Diyaar-garoobayo Xuska Maalinta Dhallinyarada Qaranka Somaliland ee 20-ka February oo Maanta ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda

0
83

Waxaa maanta xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ka qabsoomay kulan loogu diyaar-garoobayo xuska maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 20-ka bisha February, taas oo sidoo kalena ku beegan sannad-guuraddii 36-aad ee ka soo wareegtay maalintii Dhagax-tuurkii 20-kii February ee sannadkii 1982-kii ee Dhallinyaro reer Somaliland ahi ay kala hor-tageen Taliskii Macangagga ahaa ee Siyaad Barre, iyadoo Taliskaasi uu xukun ku qaaday Dhallinyaradii xidhnayd ee UFO.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo kala qaadan lahaa qorshe hawleedka loogu diyaar-garoobayo munaasibadda 36-aad ee xuska maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Wakiilka hay’adda UNFPA u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya iyo xubno ka mid ahaa ardaydii dhagax-tuurka ee UFO.

Guud ahaan warbixino si qoto dheer aanu diiradda ugu saarnay xuska maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo marxaladdihii ay soo martay iyo sidoo kale xurmadda iyo xasuusta ay u leedahay guud ahaanba qaranka Somaliland, waxaanu isla garanay inay maalintani noqoto maalin si weyn looga xuso guud ahaanba Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Md. Yuusuf Mire Boos uu kulankaas kaga dhawaaqnay inuu sameyn doono guddi isku-dhafan oo ka shaqeyn doonta diyaarinta xuska maalintaas, iyada oo Wasaaradduna ay qaban doonto shir weynihii Dhallinyarada Somaliland.

Guul iyo Gobbonnimo.

Wabilaahi Tawfiiq.

Image may contain: 9 people, people smiling, people sitting
Image may contain: one or more people, people sitting and indoor
Image may contain: one or more people, people sitting and indoor
Image may contain: one or more people, people sitting and indoor
Image may contain: one or more people and people sitting
Kaafimedia Hargeisa Offic