Darajada Haybta Soomaalida.

0
65

Qabaa’ilka Soomaalidu waxay lahaayeen dhaqan guun ah oo ay isku maamuli jireen. Had iyo goorna waxay iska dhex dooran jireen Rag talada u gooya. Waxa la arki jiray in xagga curadnimada ay reeraha qaar ku salayn jireen Madaxda ay cuganaya amaba ay dooranayaan, kuwe kalana qofka iyo qiimihiisa amaba astaamo la bidayo bay ka duuli jireen.

Si kastaba ha ahaatee ilaa maanta way jiraan Madaxda dhaqanka ee Qabaa’ilku. Bal aynu eegno Magacyada ay Ninka u sarreeya amaba u guddoomiyaha ah ula bixi jireen iyo ula jeedka ay bulshooyinka Soomaalidu ka lahaayen maadaama oo ayna isku ool iyo isku deegaan toona ahayn Soomaalidu.

  1. BOQOR: Macnihiisu waa Boqol ( Yacnii boqol u dhigme).
    2. GARAAD: Waa kii garashada la biday.
    3. UGAAS: Magacan asalkiisu wuxuu ahaa Oog aas ( Kii dhibta ooganta aasayey ama waa nin nabadeed).
    4. BEEL-DAAJE: Waa mid ka mid ah Duubabka ama Boqorrada Soomaalida laqba-hooda; kani isaga ayaa is fasiraya oo waa ( ninkii beesha hagayay ama xilka u hayay).
    5. ISLOW: Magacan waxa ka go’ay Xarafka “X” oo wuxuu ahaa Xislow amaba kii xiska, kaska lahaa.
    6. WABAR: Magacani waa Hoggaamiye, macnihiisa se ma helin wali.
    7. QUD: Wuxuu noqdaa Duq oo macnihiisu yahay oday ama waayeel oo iyana garasho iyo waayo aragnimo ayay tibaaxdaa. Laakiise macno toos ah u maan helin.
    8. MALAAQ: Waa magaca boqor oo kale macnihiisa rasmiga ah se wali waa inoo dhiman yahay.
    9. BAAS: Tanina waa Darajo ka tirsan laqbaha Duubabk ama boqorrada.
    10. SULDAAN: Isn waa mid ka mid ah Magacyaha ugu caansan ee loo bixiyo Duubabka iyo Hoggaanka dhaqanka Soomaaloda.
    11. ISLAAM: Isna ku dar.
    12. IMAAM: Isna waa ka mid.

Kuwani waa Darajooyin Madax dhaqameed oo beelo door ah oo Soomaaliyeed la baxaan. Balse af ahaan waa luuqadda Carbeed; waase dhab inaan af soomaaliga iyo af carbeedka aad loo kala saari karin amaba ay yihiin afaf ilaa xad isku milmay. Inkastoo aniga (Qoraaga qormadan) iyo rag badan oo afafka baadhaa aanu qabno in af soomaaliga laga farcamay, misana waxa xaqiiq ah in la helay erayadii carabiga faca wayn oo dhammi inay noqdeen af soomaali badhax la’.

HODONNIMADA AFKEENNA

Kaafimedia Hargeisa Offe.

LEAVE A REPLY