Maalin madow. Dilkii Culimadii Soomaaliyeed, 1975

0
221

”Ma moodayn in inankaygu sidaas u nasiib badan yahay,oo uu Kitaabka illahay u shahiidi doono” Sh.Maxamed Walaaleeye.

Maalin-nimaddii 12/1/1975,oo ku aadaneyd munaasabada ciida Haweenka Aduunka, ayaa Maxadweynihii jamhuuriyadii Soomaaliya General Maxamed Siyaad Barre, khudbad ka jeediyey garoonka ciyaaraha ee banaadir Istadium ee Muqdisho. waxaa uuna halkaas ka sheegay in Golaha Sare ee kacaanka uu go’aansaday taariikhda maanta laga bilaabo, Sinaanshaha Raga iyo Dumarka dhankasta.

Isagoo haddalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Laga bilaabo maanta wixii ka danbeeya, gabadhu waxay dhaxalka aabeheed ka qaadanaysaa inta uu wiilku ka qaato” Wuxuu intaas ku daray “In aaney jirin wax la yiraahdo Nus, Rubuc, Thulus…I.W.M.oo xaga dhaxalka ah”.

13-kii January 1975-kii ayaa go’aankaas iyo xeerkii la socday waxaa lagu soo daabacay Wargeyskii ku hadli jirey codka dowladdii kacaanka ahayd ee Xiddigta Oktoobar, oo ahaa Jaraa’idkii ugu afka dheeraa ee waagaas.

Khudbadaas waxaa si weyn uga soo horjeestay culamadii soomaaliyeed oo gaashaanka u daruuray in aan lagu sameeyn diinta wax bedelaad ah. Shiikh Axmed Shiikh Maxamed Walaaleeye, ayaa isla maalintaas ba masaajidka Siigaale ka bilaabay khudbado uu kaga soo horjeedo,sharcigaas diin la’aanta ah ee Qur’aanka Kariimka Nasakhaaya. Saddex maalmood oo xidhiidh ah ayuu Masaajidka Siigaale ka jeedinaayey khudbado ka horjeeda sharcigaas dawladdu soo saartay. Maalintii ugu danbeysey ayaa imaamkii masaajidku u sheegay in khudbadahan ayna dawladdu ogolayn ee uu joojiyo.

Maalinnimaddii 17-kii January 1975-kii, oo ahayd Jimce,ayuu Shiikh Axmed Shiikh Maxamed Walaaleeye, usoo wareegay Masjidka Sheekh Cabdulqaadir ee Magaalada Muqdisho,isagoo khud-baddii Jimcaha maalintaas akhriyey. Shiikhu wuxuu gacanta bidix ku hayey wargeyskii Xiddigta Oktobar ee ay ku qornaayeen go’aan nadaasi, gacanta midigna wuxuu ku hayey kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, waxayna khudbadda Sheekhu socotay ilaa inta laga gaarayey salaaddii casir, iyadoo dadkuna ay si xad-dhaaf ah marba marka ka dambeysay u soo buuxinayeen gudaha iyo dibadda Masjidka. Sida uu Shiikh Cabdiraxman Garyare waraysi laga qaaday 7 sanno ka hor ku sheegaayo,Haddaladii Shiikh Axmed waxaa ka mid ahaa “Magacayga waxaa la yidhaahdo Shiikh Axmed Shiikh Maxamed, Aabahay iyo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waxaa kala dhalay labba wallaalo ah,Maanta waxaan isu taagay wax kale maaha ee waa inaan naftayda diinta illaahay u huraa,ummad yahay waxaad ogtihiin duulaanka ay dawladdeenii diintii Islaamka iyo kitaabka qur’aanka ku soo qaaday, waar maanta miyayna ahayn inaynu diin teena difaacno?.Markaas ayaa shacabkii masaajidka fadhiyay kor ugu qaylinayaan ”HAA”,iyagoo raacinaya ALLAAHU AKBAR” intii ay khudbaddaas socotay waxaa masjidka xoog ku soo galay Horimo ka tirsanaa ciidamadii dowladdaas, kana koobnaa Millateri, Boolis, Guul-wadayaal iyo Nabadsugid (NSS), waxayna durbadiiba qabteen Sheekhii khudbada akhrinayey iyo xubno kale oo fadhiyey safafkii hore ee gudaha masjidka. Culimo kalena waxay ka soo qabteen masaajid kale, oo shiikhii Khudbada akhrinaayey uu yidhi kelmad keliya oo ah “Illaahay kuwan sharkooda ha inaga duwo”. Kelmadaas oo Shiikhaas iyo culimo la socotayba galaafatay,

Maalin ka dib markii la qabqabtay culimadda oo ku beegnayd maalin Sabti ah, bisha Muxarramna aheyd 6 sanadkii 1395-kii taariikhda Hijriyada, taas oo ku beegnayd 18-kii bishii January sanadkii 1975-tii,Waxaaculimaddii la soo taagay maxkamaddii badbaadada, iyadoo iyana soo saartay xukun u dhignaa sidan.

“Maxkamadda Badbaadada Qaranku waxay ku xukuntay lix ka mid ah culimada ka hor timid xeerarkii ay xukuumadda Kacaanka ahi soo saartay dil toogasho ah, waxaa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay seddex ka mid culimada 30-sano oo xariga ah, laba kalena waxay ku xukuntay 20-sano oo xarig ah” ayaa lagu yiri go’aan ka soo baxay Maxkamaddii badbaada qaranka Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka.

Maalinnimaddii Axada ee 19-kii January sanadkii 1975-tii waxay maxkamaddii milaterigu soo saartay go’aan kale oo u dhignaa sidan:- “Maxkamaddu waxay ku xukuntay 4 ka mid ah culimada dil toogasho ah, markii ay ka hor yimaadeen xeerarka cusub, iyagoo isku qarinaya huga Diinta Islaamka, 3 kalena waxay ku xukuntay 30-sano oo xarig ah, 15 kalena min 20-sano oo xarig ah”. Sidaas ayey culimaddii la leynaayey 10 ku noqdeen.

Subaxnimaddii Khamiista oo bisha Muxarram aheyd 11 sanadkii 1395-tii, kuna beegnayd taariikhda miilaadiyadda 23-kii January 1975-tii ayaa Idaacadda Raadiyow Muqdishu laga sii daayey war argagax iyo caro ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aysan wax fal ah oo ay kaga hortagayaan arrintaasi aysan waagaasi qaadin, haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u fooraarsi ayuu bilaabay, warkii Radio Muqdishu sii daayey oo aad u koobnaana waxa uu u qornaa sida tan:- “Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyey garoon u dhow dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, waxayna magacyada culimadii la toogtay kala yihiin sida tan:-

1. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Xaaji Cusmaan,

2. Sheekh Axmed Iimaan

3. Xasan Ciise Jilibey

4. Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi

5. Cali Jaamac Xirsi

6. Cali Xasan Warsame

7. Ya-asiin Cilmi Cawil

8. Aadan Cali Xirsi

9. Suleymaan Ja-amac Maxamed

10. Sheekh Muuse Yuusuf.

Sidoo kale warku wuxuu sheegay in maxkamadda badbaada qaranku ay ku eedaysay dadkaasi la toogtay inay si wadajir ah uga horyimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975-tii, kaas oo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12,qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970-kii.

La soco qayb kale oo ku saabsan diyaaradihii isku dhacay Magalada Muqdisho maalintii culimada la laayey, iyo taariikhda Shiikh Axmed Shiikh Maxamed,anigoo idiin soo gudbinaya warqadii dardaaran ka ahayd ee maalintii la dilaayey shiikha laga qoray,warqadaas oo aan wallaalkii Dr Cabdilahaai Shiikh Maxamed ka helnay, iyo Tariikhda Aabihii Shiikh Maxamed Walaaleeye oo ah ninka aad sawirkiisa halkan ku aragtaan, iyo wixii uu ka yidhi maalintii inankiisa la dilay!.

Suleyman Yusuf dhakhtar,

Kaafimedia Hargeisa Office