Hogaamiyaha Mucaaridka Raila Odinga Ayaa Loo Dhaariyey Inuu Yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

0
63

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa u dhaartay maanta in uu yahay madaxweynaha shacabka ee Kenya.

Waxaa uu xilkaasi ugu dhaartay beerta Uhuru Park ee caasimada Nairobi. Si kastaba ha ahaatee wuxuu dhaarta kadib Raila sheegay in ku-xigeenkiisa dhanka isbahaysiga NASA Kalonzo Musyoka uu u maqnaa asbaab kale oo dib laga soo sheegi doono.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in taageereyaasha Kalonzo ay kula sugan yihiin Uhuru Park ayna macooda yihiin ama la jiraan Raila iyo NASA, oo ay wada dhan yihiin.

Raila ayaa sheegay in Kalonzo Musyoka la dhaarin doono goor dambe wixii uu u imaan waayayna dib laga ogaan doono.

LEAVE A REPLY