Wasiirada Qaarkood Ee Dawlada Muuse Biixi Oo Noqday Kuwii Ugu Qabyaalada Badnaa Iyadoo 100kii Cisho Ee U Horeeyey Gaadhin.

0
580

 

 

Hargeisa (Kaafimedia )Wasiirada Qaarkood ee Dawlada Muuse Biixi Oo Noqday Kuwii Ugu Qabyaalada Badnaa Iyadoo 100kii Cisho Ee U Horeeyey Gaadhin.

Wasiirka Ganacsiga Oo qabyaalad Qaawan ku kacay isku shaandhayntiisii u horaysay. Wasiirka Ganacsiga,Warshada iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” Ayaa isku shaandhaytiisii Agaasime waaxeedyada ku bilaabay Qabyaalad aan geed loogu soo gaban iyo xilal uu u magacaabay xubno ka mida Xisbigii wadani oo ay isku beel yihiin.

Madaxweyne Muuse biixi ayaa u magacaabay Saajin wasiirka wasarada Ganacsiga,warshada iyo dalxiiska halkaasi oo hortii Agaasime waaxeedyo ay ka ahaayeen labo wiil oo beelaha habar Cafaan ah. Iyadoo laga dharagsanyahay Codkii iyo cududii ay Beelaha Habar Cafaan siiyeen Xisbi Xaakimka Kulmiye uma ay Fadhin wax u kordha maahee in intii ay haysteen la rifo. Arinkani ayaa layaab iyo fajac ku noqday Shacbiga Somaliland waxayna tusaysaa in Wasaradahii la kala yeelano.

Wasiir Saajin ayaa ah Wasiirkii u horeeyey ee albaabka u xaadha qaraabo kiilqalin lagu qoro, Arintani ayaa bilaw u ah in wasiir walba uu magacaabo cida ay qaraabo yihiin taasi oo keeni doonta in wasaradihii Qaranku ay noqdaan Wasarado Qabiil. Wasiirku waxa uu u kala magacaabay Abdale Mohamoud Agaasimaha Waaxda Warshadaha iyo Abdisalan Hasan Mataan, oo ah Xagjir ka tirsan xisbiga Waddani Agaasimaha waaxda Dalxiiska

marka laga imaado Wasiirka labadan Waax waa labada ugu muhiimsan Wasarada uu u kala magacaabay labada inamood ee uu Adeerka u yahay, Halka uu daaqada ka Saaray Mahamed Kibaar oo ahaa Agaasimaha Maamulka shaqalaha ee Wasarada Dalxiiska iyo Dahir Diriye Dahir oo ahaa Agaasimaha Waaxda dabagalka iyo Qiimaynta. Dhacdadan ayaa aad maalmihii u danbeeyey looga hadal hayey Gobolada Somaliland wakhti ay dadku naawilayeen hufnaan iyo cadaalad, waxa iyana qoraalo badan ka sameeyey warbaahinta madaxa banaan. Waxa aad looga dhursugayaa in xukuumada Muuse Biixi ku Raacsantahay Badheedhkaa Qabyaaladeed iyo u xininyo siibida dirsanayaashii Xisbiga kulmiye kooxdii la dagaalamaysay ee Waddani

Xigasho:waaberinews.com

Kaafimedia Hargeisa office.