Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay Sharaabo Dhacay Iyo Kuwo Xiligoodu khalkhalsan yahay

0
19

Hargeisa (Kaafimedia)Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ayaa  Gacanta Ku Soo Dhigtay Sharaabo Dhacay oo laga keenay dalka dibeddiisa Iyo Kuwo Aan Taariikhdoodu Saxsanayn  Oo Dalka La Soo Geliyey.

Sharaabaddan oo ay keneen qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee daka ka hawl gala, isla markaana ay qaarkood soo gaadhsiiyeen xafiiska hay’addaasi, ayaa waxa soo bandhigay oo warbaahinta faah faahin ka siiyey guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Muuse Xaaji Yuusuf, waxaanuu sheegay in ay ku wareejin doonaan dawladda hoose ee Hargeysa si ay u gubto sharaabkaasi.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Muuse Xaaji Yuusuf oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Shirkadda Hron In Golf oo nagu soo booqtay xafiiska Hay’adda dhawrista tayada Somaliland, waau uga mahad celinaynaa sida au noogu soo gudbiyeen sharaab ay ka cawdeen, ka dib khaladaad badan oo ay ku arkeen sharaabkaasi, una saamixi waayey inay suuqa ku sii daayaan sidaasna ay ku hayeen waxaanay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay waddan masar, kaas oo aan lahayn wakhtiga uu dhacayo sharaabkaasi, qaarna way is bedeleen sharaabkaasi midabkiisa, markaa waxa uu leeyahay qaabkii masar mana aha mid waafaqsan nidaamkeena sharci ee sharaabka waxaananu u aragnay inuu yahay sharaabkaasi been abuur, waanan uga mahad celinaynaa shirkaddaas keentayna waanannu samaynaynaa cadaynta in shirkaddan laga abtay sharaabkan sidiilooga hawl geli lahaana waanu kala shaqaynaynaa shirkaddan”

Guddoomiyaha Shirkadda Hron And Goff Mustafe aadan cabdilaahi oo isaguna halkasi ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay iyagu keeneen sharaabkan una soo gubiyeen hay’adda ka dib markii ay ka shakiyeen, waxaanuu faah faahin ka bixiyey xagga uu sharaabkaasi ka yimid iyo sida ay ku ogaadeen, waxaanuu yidhi “Waxaanu ugu nimid xafiiska tayo shawrka anaga oo xidhiidh ganacsi oo shirkad shisheeye na dhex maray ka cabaynayna si wanaagsan ayey noo soo dhaweeyeen noola ahsaqeeyeen noolana shaqeeyeen, sharaabka qaar ayaa kala baxay, qaar ayaa waxa ku qoran uu  khaldan yahay waxa ku jira ayaan is lahayn, taasina waxa ay keenaysaa in aan ay sax ahayn sharaabkaas.

Kaafimedia Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY