Maxkamad Siidaysay Madaxweyne Ku-xigeen Loo Haystay Dambiyo Dagaal.

0
57

Hague (Kaafimedia) – Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Adduunka ee loo yaqaanno ICC, ayaa sii daysay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dalka Koongo.

Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jean-Pierre Bemba.

Xukunkii hore loogu riday ee ahaa in lagu helay dambiyo dagaal ayaa laga noqday toddobaadkii hore.

Bemba waxa hore loogu xukumay 18 sannadood oo xadhig ah 2016-kii, laakiin waxay garsooreyaashu go’aamiyeen in dambiyada ay ciidamadiisu ku galeen dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe aan isaga masuuliyadooda la saari karin.

Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu sii dayn doonaa Belguim oo ah dalka uu deganyahay qoyskiisu.

Kaafimedia Hargeisa Office.