“Waxaad Adigu Iska Dhigto Ayuun-baad Tahay…” Drs. Edna Aadan

0
106

Hargeisa (Kaafimedia)Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ah Maamulaha iyo Mulkiilaha Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Ee Edna ee Magaalada Hargeysa, ayaa Hadal dhiiri-gelin ah siisay qaar ka mid ah Arday reer Somaliland ah, si ay waxbarashada ugu sii dedaalaan.

Drs. Edna Aadan oo ka jawaabaysey Su’aalo ay waydiisay Ardayad, taasi oo ahayd in waxbarashada ay ku jiraan iyo dedaalka ay Habluhu wadaan ay caqabad ku yihiin hadallada aan wanaagsanayn ee Dadka qaarkood ku niyad-jabiyaan, sida in la yidhaahdo ‘Hawshaasi waatii Ragga oo Habluhu ma qaban karaan’

Balse, Edna oo Hoga-tusaalaynaysa sida ay Habluhu uga gudbi karaan Caqabadaha ay la kulmaan, ayaa ka sheekaysay Gabadh dhallinyaro reer Somaliland ah, oo Cilmiga Caafimaadka, gaar ahaan Qaliinka baratay, isla-markaana Wacdaro ka dhigtay Dugsiga Waxbarashada Qaliinka ee Maraykanka ugu caansan.

Halkan Hoose Ka Daawo Su’aalaha iyo Jawaabaha Drs. Edna Aadan Ka bixisay.