Somaliland Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare/dhexe Ayaa Shalay Ka Bilaabmay iyo Kormeerka.

0
62

Hargeysa (Kaafimedia) – Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa Maanta imtixaanka Shahaadiga ah ee 2017-2018 u bilowday Arday ka badan 30 kun, kuwaasi oo kala ah Ardayda Fasallada Afraad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8-aad ee Hoose/dhexe

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in saaka sideeddii subaxnimo si rasmiya uga bilaabmay dhamaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo ay wada gaadheen imtixaankaasi dugsiyada dhexe iyo kuwo sare.

Sannadkan waxa Fasalka 8-aad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland imtixaanka u fadhiistay 18,256 Arday , halka fasallada afraad ee dugsiga sarena u fadhiisteen 9,931 arday.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo lagu qaadayo 214 goobood, ayaa sannadkan waxa iyaguna Ardayda ka qayb-galaysa ka mid ah illaa 45 Arday oo laxaadkoodu kala dhiman yahay, sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) “Saaka siddeedii subaxnimo waxa si rasmiya hal mar u furmay dhamaan goobihii imtixaanka lagu galayey ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana ardayda u rajaynaynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan.”

Wasiirka Waxbarashada ayaa hadalkiisa raaciyey digniin ah in Ardayga lagu arko isaga oo Imtixaanka Qishaya uu luminayo fursaddii uu Jaamacadaha ku geli lahaa.

Kaafimedia Hargeisa Office.