Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dagaalka Somaliland Iyo Puntland Ee TUKE-RAQ.

0
70

Muqdisho (Kaafimedia) – Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan deegaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yidhi keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo laga baaqsan karo.

“Ugu horeyn gobollada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed wali waxaa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof, kuwaasi oo ay Hay’adaha gargaarka ay daryeelayaan, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada inayna colaad kale hurin, sababta oo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale” ayuu yidhi Peter De Clerk.

Sidoo kale Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad dhawr ah ay ku dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin rayid.

“Xaalada haatan way kacsan tahay waxaana fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa jirtay in rasaas la is weedaarsaday Toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin khilaafka weyn ee aan ka cabsi qabno weli ma dhicin, waxaana colaadda ka dhalan karta xaalad halis ah” ayuu markale yidhi Mr. De Clerk oo u warramay hadlay VOA-da.

Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan in ay telefoonka kula hadleen Madaxda Somaliland iyo Puntland oo ay kula taliyeen inay xal nabadeed ku dhameeyaan khilaafka sababay Dagaalka Tuke-raq.

Kaafimedia Hargeisa Office.