Xeer-Nidaamiye Lagu Maamulayo Gaadiidka Xamuulka (Tankooda Dhaafiya) Oo Hargeysa Lagu Daah-Furay.

0
81

“Waxa Jiri Doona Ganaaxyo Ka Dhalan Doona Xeerka Waddo Marista Iyo Xeerka Xakamaynta Xamuulka Labadaba, Kuwaasi Oo   aanu Jecel Nahay Inaanu Uga Faa’iideysano Dayactirka Waddooyinkeena.” Wasiirka Gaadiidka iyo wadooyinka Cabdilaahi Abokor

Hargeysa (Kaafimedia) munaasibad lagu daah-furay xeer-nidaamiye lagu maamuli doono gaadiidka qaada culayska xad-dhaafka ee isaga kala gudba gobollada Somaliland ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Madashan ayaa waxa kasoo qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, maereeyaha hay’adda waddooyinka iyo madax ka socotay hay’adda GIZ iyo xarunta Ypeer oo iayagu soo qabanqaabiyay kulankaasi lagu daah-furayay xeer-nidaamiyaha lagu maamulayo gaadiidka culayska xad-dhaafka qaada, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday shirkaddaha gaadiidka xamuulka ee isaga kala gudba gobollada Somaliland.

Ugu horreyn Cabdicasiis Xirsi oo kamid ah mas’uuliyiinta xarunta Ypeer oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedad laga leeyahay xeer-nidaamiyaha lagu maamulayo gaadiidka rarka xamuulka, “barnaamijkani waa xeer-nidamiye cusub oo loo sameeyay sidii aynu u xakamayn lahayn amaba wax uga qaban lahayn dhibaatada ay jidadka gaadhsiiyaan iyo dhibaatooyinka kale ay keenaan, gaadiidka qaada xamuulka xad-dhaafka ah, ama gaadiidka tankooda dhaafiya. Arrintaasi oo muddo dheer inna soo haysatay ayaa maanta iyagoo iskaashanay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo Hay’adda GIZ ayaa waxa laysla gartay in arrintaa hadda loo soo jeesto oo si degdeg ah wax looga qabto.”

Maareeyahay horumarinta Somaliland Eng Cismaan Sheekh Axmed ayaa ka waramay xeernidaamiyahan lagu maamuli doono gaadiidkan, waxaanu yidhi; “wasaaradda gaadiidka iyo wakaaladda horumarinta wadooyinka iyo wasaaradda maaliyadda waxay iska kaashanayaan sidii loo dhisi lahaa wadooyin fiican.”

Masuul sare oo isna ka tirsan hay’adda GIZ ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xeer-nidaamiyahan cusub ee loo sameeyay.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka Somaliland, Mud. Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda  Mud. Yuusuf Maxamed Cabdi Cabdi oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa waxay tilmaameen ahmiyada xeer-nidaamiyahani leeyahay.

“Innaga dhibaatada inna haysata ee dalkeenna ka jirta ee dhimashada ugu badan keenta waxa weeyi; shilalka ay sababaan gaadiidka, waddooyinka iyo darawaliinta, waana ta koowaad, cid kasta oo naga caawinaysa arrintaasna waanu u mahadnaqaynaa.” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda  Mud. Yuusuf Maxamed Cabdi Cabdi

“Waxa jiri doona ganaaxyo ka dhalan doona xeerka waddo marista iyo xeerka xakamaynta xamuulka labadaba. Ganaaxyadaasi sida uu xeerka maaliyaddu inna farayo, waxaanu jecel nahay inaynu uga faa’iideysano dayactirka waddooyinkeena.” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka Somaliland, Mud. Cabdilaahi Abokor Cismaan

Ugu dambeyntii Sarkaal ka socday ciidanka nabadgelyada waddooyinka, salaadiin iyo masuuliyiin ka socotay gaadiidka xamuulka qaada ayaa dhankooda ka sheegay sida ay daruuriga u tahay in la fuliyo xeer-nidaamiyaha lagu maamulayo gaadiidka culayska xad-dhaafka qaada

Kaafimedia