“Haddii Kooto Cid Loo Xidhay, Haddii Musuq Dhacay, Wakhtigii Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Ayey Dhacday”

0
64

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan

Hargeysa (Kaafimedia)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa tilmaamay in Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi in aanay cid gaar ah kooto u xidhin, balse Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ay hantida umadda siday doonto ka yeeli jirtay, cid gaar ahna kooto u xidhi jirtay.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale ka hadlay Shirkii Beesha Garxajis ee Gacan Libaax,waxaanu tilmaamay in Shirkaas soo dhaweeynayo, balse qodobadii ka soo baxay in qaarkood ahayn sida loo fasiray, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa niman badan oo siyaasiyiin ahaa iyo niman salaadiin ahaa, oo eegayey oo mar walba isha ku hayey Shirka, oo danta qaranka iyo danta Somaliland aad u danaynayey, iyaga ayaana mar walba ku hagaagayey inuu Shirku aanu ka baydhin dariiqiisi saxda ahaa, qodobada Shirka ka soo baxay ee Beeshu ku cabatay waxa ka mid ahaa, in kooto cid loo xidhay, in Ganacsiga cid loo xidhay, Xukuumadda Muuse Biixina waxay gabigeeduba jirtay ilaa lix bilood, haddii kooto cid loo xidhay, haddii musuq dhacay, iyo haddii Ganacsi cid lagu naas nuujinayey, wakhtigii Xukuumaddii Axmed Siillaanyo ayey dhacday, beesha Garxajisna maalin kamay hadal, waxaana qabaa in qodobkaasi aanu ahayn qodob munaasiba, haddii kooto cid loo xidhanaya Barlamaanka ayey Shuruucda dalku soo mari jirtay, waxaana Guddoomiye ka ahaa Barlamaanka Cabdiraxmaan Cirro, qodob kale ee Axdi Qaramadeedka, waxaan leeyahay dalku Dastuur buu leeyahay, Somaliland-na waa Dawlad taagan, axdi qarameed dib loogu noqonayaana ma jirto, haddii ay saamiga Xukuumadda noqotana Kursiga ugu muhiimsan ee Xukuumadda waxa ku fadhida Beesha Garxajis, oo gacanta ku haya, kuraastana si cadaaliya ayaa loo qaybiyey”.

Mar uu ka hadlaayey hantida umadda ayaa yidhi “Waxaynu ka war qabnay in Raasigii Dekadda Berbera in Xukuumadii hore si khaldan u bixisay, balse Xukuumaddan Muuse Biixi ayaa gacantii Dawladda dib ugu soo celisay, waana ku amaanan yahay, waxaana haboon in wax kasta oo qaranka dhib ku ah in talaabo laga qaado, waana laga qaadayaa, cid kasta oo sifo khaldan hantida umadda ku qaadata, Xukuumaddan ha ahaato ama Xukuumaddii hore, in qaranka dib loogu soo celiyo weeye, cid ayaana qaranka u qaabilsan, oo waa Hanti dhawraha, hanti dhawruhuna shaqadiisi ayuu wataa, haddii aanu nahay Guddida Joogtada ahna waanu u yeedhnay, haddii ay tahay Berbera, haddii ay tahay Boorama haddii ay tahay Burco, iyo haddii ay tahay meel walba baadhis xaq buu u leeyahay inuu baadho, waana shaqadii loo igmaday, wixii ka soo baxana insha allaah isaga ayaa soo saari doona”.

Xigasho:Geeska

Kaafimedia Hargeisa Office,