Buubaa Oo Faahfaahiyey Sababta Shirkii Gacan-libaax Loogu Marti-qaadi Waayey Beelaha Dalka Qaarkood.

0
92

Hargeysa, 4 Juulaay, 2018 (Kaafimedia) – Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay jiraan Beelo ka mid ah Beelaha Somaliland oo aan lagu casuumin gebogabada Shirkii Beelaha Gar-xajis ee Toddobaadkan lagu soo gebogabeeyay deegaanka Buurta Gacan-libaax ee Gobolka Saaxil.

Warka BuubaaIsmaaciil Hurre Buubaa oo Shalay Saxaafaddu weydiisay waxa ka jira in Shirkii Gacan-libaax aan lagu casuumin beelaha Somaliland qaarkood, ayaa si duur-xula u tilmaamay jiritaanka Arrintaasi, isagoo xusay in aanay qorshaha ku jirin in lala xaajoodu Beelo uu xusay inay isku haystaan inay keligood leeyihiin Talada Waddanka Somaliland.

Buubaa oo ka jawaabaya su’aasha laga weydiiyey sababta Beelaha Somaliland qaarkood aan loogu marti-qaadin gebogabadii Shirka Gacan-libaax, ayaa yidhi “Gebogabadii shirka, markii la eegay waxa la yidhi yaa isku Iman kara,? markaa way jirtay Beelo la yidhi malaha imika…”

Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadalkiisa sii watta ayaa sharraxaya sababta beelaha qaarkood loo casuumay, qaarna aan loogu marti-qaadin Shirkaasi “Waxay ahayd in Gebogabadii Shirka iyo qodobbada soo baxaya lala socodsiiyo (Kuwa la casuumay)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo Beelo kale ku eedeeyay inay isku haystaan inay keligood leeyihiin talada Waddanka “In Beelahaa lala xaajoodaa meesha kuma jirto, qodobbada (Shirka ka soo baxayna) waad arkayseen, khaasatan dhinaca lahaanshiiyaha oo Beelaha qaarkood loo nisbaynayo inay isku haystaan inay si gaar ah u leeyihiin Waddanka oo taladiisa iyo wixii loo baahan yahayba iska leeyihiin…”

Himilo

Kaafimedia Hargeisa