Madaxweynaha Kililka Shanaad Oo Sheegay Inuu Qof Si Gaar Ah U Haysto Dhul Shidaal Ka Buuxo.

0
69

Jigjiga, 4 Juulaay, 2018 (Kaafimedia) – Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shaki ka muujiyey Cidda maamusha deegaan ka mid ah Kililka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay inuu shidaal ka buuxo.

Warka Madaxweynaha Kililka ShanaadMadaxweynaha Kililka Shanaad oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu furayey baadhis shidaal oo laga bilaabayo deegaan ka mid ah Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in nin Magaciisu yahay Tewadhros uu si gaar ah iskaga haysto Dhul uu shidaal ka buuxo oo ku yaalla Gobolka Jarar ee Kililka Soomaalida, isla-markaana aanu ogeyn waxa halkaa ka socda.

Qoraal ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da iyo Muuqaal ama Fiidiyoow lagu baahiyay baraha bulshada ayuu Madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo aanu waxba kala soconin hawsha ka socota, waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya “Gobolka Jarar oo Cobolle agagaarkeeda ah mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho..”

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar hadalkiisa sii watta ayaa sheegay in Cid kasta oo haysata deegaan Shidaal ka buuxo oo Itoobiya ka mid ah aan la isku deynayn oo la iskaga daba yimid, waxaanu yidhi ….Mooji kaasi (Ninka uu sheegay inuu haysto Dhulka Shidaalku ku jiro), haddase waa la isaga daba yimid..” wallow aanu caddaynin waxa uu ujeedo, maaddaama oo hadalkiisu ku soo beegmay xilli Dawladda Federaalka Itoobiya bilaabayso Shidaal baadhista.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay bilaabeyso baadhista shidaal laga qodayo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay in mustaqbalka 40% Ismaamulka Soomaalidu yeelanayaan dakhliga laga helo Shidaalkaasi.

Kaafimedia Boorama Office.