TUKE-RAQ: 90 Jir Ka Mid Ah Culimada Puntland Oo Ku Biiray Abaabulka Colaadeed Ee Madaxweyne Gaas

0
79

Garoowe, 4 Juulaay, 2018 (Kaafimedia) – Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa waxa ka socda Abaabul xooggan, kaasi oo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ku doonayso inuu ku abuuro naceyb ka dhan ah Somaliland, si ay markaa uga qayb-qaataan Dagaalka Ciidammadiisu ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Warka Tuke-raqAbaabulkan oo Maalinba Maalinta ka dambaysa soo kordhaya, ayaa Madaxweyne Gaas ku doonayaa inuu Shacabka reer Puntland indhahooda ku jeediyo dhinaca Somaliland, si Dadweynuhu ay dagaalka Tuke-raq ugu arkaan wax amaankooda halis ku ah isla-markaana ay muhiim tahay in doorashada Madaxweyne-nimo ee dhawaan ka dhacaysa Puntland dib loo dhigo, taasi oo haddii ay dhacdo Gaas u noqonaysa fursad uu kursiga ku sii fadhiyo.

Abaabulkan Colaadeed ayaa markii koowaad u gudbay Culimada reer Puntland qaarkood, waxayna culimadu bilaabeen inay Dadka ku wacdiyaan inay Dagaalka ka qayb-galaan, iyaga oo sheegaya in Qofkii ka qayb-gala dagaalka Ciidammada Puntland kula jiraan kuwa Somaliland mujaahid ehelo Janno ah.

Culimada arrintan ku mashquulsan isla-markaana si Cad Warbaahinta uga hadlay waxa ka mid ah Sheekh Maciish Sheekh Maxamed Faarax oo sheegay inuu ka mid yahay Culimada waaweyn ee reer Puntland ee da’doodu ka weyn tahay 90 jirka ah.

Sheekh Maciish oo Shalay u warramay Idaacad fadhigeedu yahay Magaalada Garoowe, ayaa isagoo farriin u diraya Ciidammada Puntland ee ay kuwa Somaliland isku hor-fadhiyaan Tuke-raq uu yidhi “Ciidammada Geesiyaasha ah ee Puntland waxaan ku boorinayaa inay Dagaalka ka Lib-keenaan, Dagaalku wuu nagu raagaye waa inay Ciidammadu dagaalka deg-deg u galaan oo ay ka lib-keenaan.”

Wadaadkan oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay “Anigoo ku hadlaya Afka Culimada, waxaan leeyahay Haddaanu nahay Culimada Puntland waanu idinku garab taaganahay Dagaalka, Shacabkana waxaan ku boorinayaa in Ciidammada lagu taageeri jihaadka ay ku jiraan, Waayo? Dagaalkani waa Jihaad Muqaddas ah, sidaanu Kuttubta ku haynana Ninka ku dhinta la meydhi maayo oo lagu tukun maayo oo waa Mujaahid.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne Gaas waxaanu ka codsanaynaa in Dagaalka si wanaagsan oo geesinimo ah loo galo, waxaanu ka codsanaynaa Ninka soo carrara ama Gaadhi la soo carrara in dhafoorka laga toogto.”

Sheekh Maciish oo hadalkiisa sii adkaynaya ayaa yidhi “Maaddaama oo aan ahay Culimada Puntland, kana mid ahay Ragga Odayaasha ah ee Sagaashanka kor u dhaafaya, Nin Waayo-aragna aan ahay sidaas ayaan u imid Idaacadda (inaan ka sheego)…”

Xigasho:Himilo,

Kaafimedia Hargeisa Office.