Wakaaladda Qurbajoogga Somalilland Ayaaa Kulan Qabtey Ganacsatada Qurbajoogga Ah Iyo Hay’adda Shuraako Maalgalin Deyna Siinaysa:

0
111

Hargeisa (Kaafimedia)Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa maanta Arbaca bisha July 4-teeda soo abaabushay kulan ay ka soo qaybgaleen xubno ka mid ah dadka qurbaha ka soo noqday ee ganacsiyada kala duwan maalgashaday iyo Hay’adda SHURAAKO ee bixisa maalgashiga daynta ah ee ganacsatadu qaadato kulankaasi oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Hay’adda qorbajoogga somaliland (Somaliland Diaspora Agency).

Waxa ka soo qaybgalay kulankan  ku dhawaad 30 ganacsade u badnaa muwaadiniinta Somaliland ee ka soo  noqday ama deggan meelo ka mid ah wadamada kala duwan ee Jaalliyadaha Somaliland ku dhaqan yihiin ee caalamka, isla markaana maalgashaday noocyo ka mid ah ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe (SMEs) ee badeecadaha  iyo adeegyadaba, sida waxsoosaarka sida beeraha, saliidda gabbal-dayaha, hudheellada, dawaarka, samaynta dharka iyo kabaha, dhoofinta hargaha iwm, qaarka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada la-talinta iyo tababaridda ganacsatada, socdaalka iyo dalxiiska, sidoo kale saraakiil sarsare oo ka socday Hay’adda SHURAAKO Xafiiskeeda ka hawlgala dalka Jamhuuriyadda  Somaliland, iyo shaqaalaha iyo masuuliyiinta Hay’adda Qurbajoogga JSL.

Kadib Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Xasan Axmed Yuusuf oo hadallo soo dhawayn iyo mahad celin ah jeediyay, Marwo Sahra Xasan oo sarkaal sare ka ah Hay’adda SHURAAKO ayaa sharraxaad dheer ka bixisay  xogta guud ee taariikhda Hay’adda SHURAAKO oo ay sheegtay in doorkeeda shaqo  ku qotoma isu keenidda ama isku xidhka maalgeliyayaasha iyo ganacsatada. Sarkaalkan ayaa faahfaahin ka bixisay mashaariicda maalgashiga daymaha ah, xaddiga daymaha oo dhan inta u dhaxaysa $50,000 illaa $250,000, mudada lagu soo celinayo  oo ah sannad illaa shan sano, iyo shuruudaha ku xidhan oo ah inay qaadan karaan ganacsiyada jira ee shaqaynayey ugu yaraan hal sano, una baahan maalgelintan si ballaadhin iyo horumarin loogu sameeyo, isla markaana ay shaqooyin cusub ugu abuuri karaan qaybaha bulshada kala duwan ee Somaliland sida dhalinyarada iyo haweenkaba. Sahra Xasan ayaa sidoo kale ku wargelisay ganacsatada in aanay dayntu ahayn mid lacag ahaan loo qaadanayo balse ay tahay hadba qalabka iyo/ama agabka aas’aasiga ah ee ganacsigu u baahanyahay taasoo waafaqsan nidaamka dayminta bangiyada shareecada Islaamka ku shaqaynaya ee loo yaqaanno “MURAABAXA” faaiidada dulsaaranina tahay boqolkiiba shan (5%). Waxa kale oo Hay’adda Shuraako uga warrantay ganacsatada noocyada maalgashiga mashaariicda ay maamulaan oo uu ka mid yahay mashruuc xagga tamarta qorraxda ah oo beeraha iyo ganacsiyada kaleba ee waxsoosaarku ka faaiidaysan karaan.

Ganacsatada ayaa dhinacooda soo dhaweeyay maalgashiga daynta ah, waxanay qaarkood tilmaameen inaanay ganacsiyada yaryar badankoodu qaadan karan dayn xaddigaas ah oo qaarkood u dhutinayaan kaliya qalab ama maalgelin intaas ka yar oo ay mudadaas iskaga bixin karaan. Waxa kale oo ay Ganacsatadu walaac ka muujiyeen  daynsiga maalgashiga ku dhisan nidaamka bangiyada Islaamka ee baaananka dalka ka hawlgala ku shaqeeyaan  kaasoo xaddiga faaiidada u saarani (Rates)  aad u sarreeyo, iyo sidoo kale inay baananka qaabkan u shaqaynayaa caqabad ku yihiin helitaanka bangiyada nidaamka kale oo aanay doonayn inay suuqa kula tartamaan, sharciga bangiyada ee dawladduna iyaga uun taageerayo. Xubno ka mid ah ganacsatada ayaa soo jeediyay in la furo doodo lagu faaqidayo waxka bedelka loo baahanyahay in lagu sameeyo sharciga baananka Somaliland iyagoo tusaale usoo qaatay inay jiraan wadamo badan oo islaam ah oo labada nidaam bangiba ka shaqeeyaan.

Gebogebadii, Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Xasan Axmed Yuusuf ayaa bogaadiyay doorka muwaadiniinta Somaliand ee qurbaha ka soo noqday ama ku maqani ku leeyihiin maalgashiga dhaqaalaha wadanka ee waaxda gaarka ah (Private sector) iyo guud ahaan koboca dhaqaale ee dalka iyo shaqo abuurka dhalinyarada, waxaanu tilmaamay in qurbajoogga maalgashanaya ganacsiyada cusubi xawli ku socdaan oo sannadba sannadka ka dambeeya ka soo kordhayaan sida ay ku ogaadeen daraasad ay dhawaan ka fuliyeen dalka.

Waxa ka mid ahaa ganacsiyada ka soo qabgalay kulanka oo ay badankooda leeyihiin   bulshada Qurbajoogga Somaliland ee ka soo qaybgalay Kulankan: Asad Construction company, Nafaqo Poultry Farming, Flour Factory, Shampoo & Creams Factory, Carro-Yaanbo Farm, Tog Barwaaqo Farm, Pure Living Company, Som Fishing Company, Somaliland  Vegetable Oil Company, Clothes Factory, Boodhari Mills,  Fiqi Fishing Company, SUGAN General Corporation Company, Asma Style, Khadrina Style, Tawakal Carpets Washing Service, Water Research & Data collection, Air Arabia Agent, Ihsaan Consutancy Firm, I Dhamac Consultancy Firm, Somaliland Review Magazine, iwm, iyo ganacsiyo kaleba.

Kaafimedia Hargeisa Office.