Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Ugu Eedaysay Dawladda Soomaaliya In Aanay Daacad Ka Ahayn Wada-hadallada Labada Dal.

0
75

Biljam, 4 Juulaat, 2018 (Kaafimedia)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag ugu eedeeysay dawladda Soomaaliya in aanay daacad ka ahayn wada-hadallada labada dal u dhexeeya, isla-markaana ay mar kasta hagardaamaynayso wada-hadaladaasi dawladda Soomaaliya.

Warka labaadWasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ku sugan dalka Biljam ayaa wareysi uu siiyey Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga waxa uu kaga warramay arrimo la xidhiidha dareenka Somaliland ee wada-hadallada iyo waliba sababaha hor taagan.

Wasiirku ugu horreyna waxa uu soo bandhigay dareenka Somaliland ee wada hadalada Soomaaliya kala dhexeeyay waxaanu yidhi, “Mabda’iyan Somaliland waxay qabtaa arrimaha u yaalla Somaliland iyo Soomaaliya ama siyaasiyan waxyaalaha ka dhexeeya ee lagu murransanyahay ama Qadiyada gooni isu taaga Somaliland, Somaliland waxay aaminsantahay in lagu kala baxo wada hadalo nabadeed, Somaliland mar walba waa u diyaar inay wada hadal la yeelato Soomaaliya”.

Dhinaca kalena, Wasiirka oo la weydiiyey maxaa hor taagan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa uu si ba’an uu ugu eedeeyay dawladda Soomaaliya, waxaanu yidhi “Adduunka iyo Soomaali oo dhan waxay ogyihiin in marar badan shirar badan oo la galay oo ka dhacay Ingiriiska, Turkiga, Jabuuti in waxyaalihii lagu heshiiyey aanay marnaba ixtiraamin madaxda mettasha dawladda Soomaaliya, waxaana ka mid ah sababta wada hadaladaasi u soconeyn in Soomaaliya mar walba dibbindaabyo iyo hagardaamo ay mar kasta Somaliland diyaar ula tahay”. Wasiirku waxaanu tilmaamay inay arrimahaasi cadeyn u tahay codsigii Soomaaliya dhawaan u dirtay deeq bixiyeyaasha ee ay ku dalbanayeen in la joojiyo barnaamijka sida gaarka Somaliland ugula macaamilaan ee ay ku caawin jireen horumarka iyo bani aadminimada Somaliland, iyo waliba heshiiskii hore Somaliland iyo Soomaaliya hawada uga gaadheen inay Soomaaliya ka baxeen, iyo waliba arrimaha ay ka wadaan gobollada berri ee Somaliland oo ay doonayaan inay qallalaase ka abuuraan”.

Ugu dambayntiina, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug waxa uu sheegay inay jiraan dedaalo beesha caalamku wado oo ku aadan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu hadalkani ku soo beegmayaa iyadoo doraad uu Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Farmaajo uu ku dhawaaqay inuu doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Xigasho:Himilo

Kaafimedia Hargeisa /