Baarlamaanka Itoobiya Oo Iminka Liiska Argagixasada Ka Saaray Ururka Onlf Oo Baarlamaanka Somaliya U Aqoonsadey Argagixiso.

0
65

Addis Ababa (Kaafimedia )Kulan uu maanta ku yeeshay  Magaalada Adis ababa Baarlamaanka Dalka Itoobiya ayuu ku aqbalay soo jeedinta Golaha Wasiirrada ee Ururrada laga saarayay liiska argagixisada.

Kulanka maanta ayaa waxaa liiska argagixisada looga saaray Ururrada kala ah ONLF,OLF iyo Ginbot 7, waxaana loo oggolaaday in ay noqdaan Xisbiyo mabda’ooda ku gaadha nabad iyo siyaasad.

Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkii hore Baarlamaanka ka codsaday in Ururradaas laga saaro liiska argagixisada,islamarkaana loo aqoonsado xisbiyo siyaasadeed.

Ururka ONLF ayaa arrintaas aad u soo dhaweeyay,Xalay waxa Magaalada Nairobi gaadhay Sarkaalka lagu magacaabo C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Ururka ONLF,kaas oo la siidaayay.

Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed ayaa isbeddello dhinaca siyaasadda ah ka wada dalka Itoobiya,waxaana uu wax badan ka beddelay siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha ee Itoobiya.

Sidoo kale Sanadkii Hore 2017 ayaa baarlamaanka Somaliya waxaa ay Ururka ONLF u aqoosadeen Urur Argagixiso

Addis Abeba Ethiopia

Kaafimedia Hargeisa OFFICE.