Baarlamaanka Ingiriiska oo Sacab Kaga Jawaabay Khudbad Fajiciso ku Riday.

0
55

London(kaafimedia )- Wasiirka caawimada dibadda Ingiriiska, Penny Mordaunt  ayaa taageero xoog leh ka kasbatay   Baarlamaanka Ingiriiska khamiistii shalay, kadib markii hadal ay ka jeedisay fadhigii baarlamaanka   lammaanaysay inay ku gudbiso luuqada dhegooleyaasha (Sign Language). Waxaana wasiirka loogu sacbiyey si layaab leh oo xildhibaannadu soo dhaweeyeen.

Wasiir Penny Mordaunt ayaa noqotay wasiirkii u horreeyey ee baarlamaanka dhexdiisa ka adeegsada luuqada dhegooleyaasha si ay u fahmaan malaayiinka qof ee dhegooleyaasha ah. Waxaana arrintaasi aad u faaqiday warbaahinta Britain.

Penny Mordaunt, waxay baarlamaanka uga waramaysay  shir caalamiya oo lagaga hadli doono taageerada dadka naafada ah oo lagu qabanayo  magaalada London 24ka Bishan July oo ay si wadajir ah iskaga kaashanayaan  dawladaha Ingiriiska, Kenya iyo isbahaysiga caalamiga ah ee naafadda adduunka.

“Muddo dheer dalalka saboolka ah dadka naafada ahi kama   helaan taageerada ay u baahan yihiin, waxaanay dayacnaayeen wakhti  dheer. Shirkani wuxuu taageeri doonaa dedaalada caalamiga ah   ee ku wajahan in la horumariyo  oo laga wada qaybqaato gacan siinta dadka nuqul. Waxaan jecelahay inaan awooda saaro muddada shirku socdo  kaalintaas laga gaabiyey,”ayey tidhi xoghayaha Ingiriiska u qaabilsan mucaawimada dibaddu.

Geesta kalena, Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska, John Bercow ayaa aad ugu mabsuuday  hadalka Xoghayaha kaalmada dibadda ee Ingiriiska.waxaanu  ku sifeeyey war wanaagsan, isagoo uga mahadceliyey khudbadaas wax ku oolka ah.

Shirka lagu qabanayo London ayaa lagu martiqaadi doonaa dawlado, shirkado gaar loo leeyahay  iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah si loogu meelmariyo  go’aamo wax loogu qabanayo dadka naafadda ah ee dalalka soo koraya.

Kaafimedia