Booliska Maraykanka Ayaa Dilay Cayaartoy Kubadda Kolayga Caan ku ahaa.

0
48

Tyler Honeycutt oo kubadda kolayga cayaara ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeed booliska Maraykanka, sida ay warbaahinta maxalligu sheegayso.

Waaxda booliska ee Los Angeles ayaa sheegtay in qof la tuhunsanaa uu u dhintay “dhaawac rasaaseed oo uu isu geystay”, ka dib markii uu ciidanka rasaas ku riday.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in qofkaasi uu ahaa cayaartoygii hore ee kooxda Sacramento Kings, haatanna u cayaarayey kooxda Moosko ka dhisan ee BC Khimki.

Honeycutt hooyadii dhashay ayaa sida la sheegay u yeertay booliska, maadaama uu wiilkeedu u dhaqmayey “si aan caadi ahayn”.

Kooxdiisa ayaa geeridiisa ayaguna xaqiijiyey, ka dib markii ay la hadleen wakiilkiisa.

bbc

Kaafimedia Hargeisa Office.