Kuuriyada Woqooyi: Maraykanku wuxu Doonayaa Inuu Nagu Dirqiyo Wax aanaan Doonayn

0
59

Warbaahinta dawladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku eedaysay Maraykana in uu Pyongyan ka doonayo dalab dhan qudha ah oo weliba dirqi ah oo ah in ay tirtirto nukliyerkeeda.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Kuuriyada Woqooyi ayaa wakaaladda wararka dawladdu ka soo xigatay in uu yidhi aragtida Washington waa wax laga xumaado.

Hadalkaas oo soo baxay saacado uun ka dib markii wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ku tilmamay labadii dharaarood ee uu wada hadallada u joogay Pyongyang kuwo midho dhal ah.

Wuxu sheegay in arimihii laga wada hadlay oo dhan horumar laga gaadhay oo xataa ay ka mid ahayd tirtiridda nukliyeerku.

Booqashada Pompeo waxay daba socotay shir madaxeedkii Madaxweyne Trump la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

bbc

Kaafimedia Hargeisa Office,