Qaraxyo Iyo Weerraro Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

0
52

Mogadishu(Kaafimedia)-Qarax weyn iyo weerar wada socda,  ayaa lagu qaaday dhismaha Otto Otto ee Xarunta u ah wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taal duleedka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gaadhi laga soo buuuxuyay ku qarxay goobtaa oo ah Xarunta xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradda arrimaha gudaha, Isla markaana daqiiqado kadib

Qaraxa rasaas laga maqlay, waxaana markaa kadib laga maqlay qarax kale oo goobta ka dhacay, iyadoo koox dablay ah ay gudaha u galeen dhismahaa.

Xaalada, ayaa si weyn wax uga bedeshay jawiga magaalada oo ka dhigtay mid kacsan, iyadoo aanay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya weli ka hadlin weerarka iyo qaraxyadaa oo Kooxda Al-alshabaab sheegatay waxa Jira Warar sheegaya in uu Jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Goobta qaraxyadu ka dhaceen oo u dhow Villa Soomaaliya oo Qiyaastii hal KM u jirta, ayaa ah dhismaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Soomaaliya, waxayna Sidoo kale kasoo horjeedaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxyna goobta qaraxu ka dhacay ka mid tahay meelaha sida weyn ammaankooda loo ilaaliyo.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro ka fuliya gudaha magalaada muqdisho, waxayna war hordhaca oo ay shaaciyeen warbaahinta taageerta ku sheegeen in ay qaraxyadaa iyo weerrarka ay fuliyeen ciidankoodu, iyadoo aan Ilaa hada la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Kaafimedia Muqdisho’