Xulka England Oo U Gudbay Wareega Afar Dhamaadka Koobka Aduunka Iyo Natiijada Ciyaartii Ay Ku Caraabiyeen Sweden

0
62

.

Moscow (Kaafimedia):- Xulka kubada cagta dalka Ingiriiska ayaa u gudbay wareega afar dhamaadka koobka aduunka ee ka socda dalka Ruushka.

Ciyaaryahanada xulka England ayaa guul weyn ka gaadhay dhigooda dalka Sweden oo ay iskaga hor yimaadeen ciyaar ka tirsanayd wareega sideed dhamaadkad koobka aduunka.

Xulka England oo sanadkan u badan ciyaaryahano da’yar ah ayaa laba iyo waxba kaga talaabsaday xulka Sweden, waxaana daqiiqadii 30aad ee qaybtii hore ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyey Harry Maguire.

Markii laysku soo noqday qaybtii 2aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka Delle Alli waxa uu goolka labaad u dhaliyey xulkiisa England daqiiqadii 59aad ee ciyaarta, kaas oo ciyaarta ka dhigay laba gool iyo waxba.

Xulka England ayaa dedaal badan galiyey sidii ay u xejisan lahaayeen goolasha ay dhaliyeen kuwaas oo iska caabiyey weerar badan oo kaga yimid ciyaaryahanada xulka Sweden.

England ayaa wareega afar dhamaadka koobka aduunka wajahi doono midkii soo baxa labada xul ee Ruushka iyo Croatia kuwaas oo goor dhaw wada yeelan doono ciyaar xiiso bada.

Kaafimedia London