“Nabadgalyo Ma Imanayso Illaa Aniga Laygu Dilo, [Waayo] Markay Ergadu Nafahooda Ku Waayaan Ayay Nabadu Timaadaa”.

0
50

“Ciddii I Raacaysana Aniga Ayaa Idiinku Horreynaya Oo Diyaar Baan U Ahay Sidii Loo Raadin Lahaa Nabadgalyadaas, Somaliland-Na Ha Guulaysto Oo Ha Is Raacdo”- Suldaanka guud ee Somalilan

Hargeysa (Kaafimedia) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay dagaalka soo noq-noqday ee dhexmaray labada Beelood ee walaalaha ah ee wada dega Degaanka Ceel-afweyn, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in talaabo adag ka qaado cid kasta oo heshiiska jabisa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u waramay weriye Cabdishakuur Dayib oo HCTv ka tirsan shalay ayaa sheegay in nabadgelyadu lama huraan tahay helitaankeeduna xataa kelifayso in aad xabadda isu dhigto “Nabadgalyadu waa lama huraan, ummada reer Somaliland, Culimo, cuqaal iyo ganacsataba waxaan ugu baaqayaa nabadgalyosidii loogu raadin lahaa labadaas beellood ee beledu kadhex taagan tahay, yaanan loo kala hadhin xukuumad iyo shacbiba” sidaas ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Waxaana uu intaas ku ladhay “dadkii hore markay dadka kala saarayaan iyagaa xabbada isu dhigi jiray, markaad adigu nabadgalyo doonayso inaad dhalisana xabada laysku wadaa adigaaga ka ergaynayaa ha kugu dhacdo,ta ugu fiicanina waa taas. Dadka ergada u tegayana waxaan leeyahay nafihiina u hura nabadgalyada waayo si kale oo ay nabadu ku imanaysaa ma jirto, illaa aniga laygu dilo nabadgalyo ma imanayso, marka ergadu kaa xumaato ayaa waxyeeliyo dhibaato timaadaa laakiin marka ergadu ay nafahooda ku waayaan ayaa ay nabadu timaadaa oo ergadu wax wanaagsan noqonaysaa….aniga ayaana idiinku horreynaya nabadgalyadaas sidii loo raadinayo, ciddii I raacaysa anigu diyaar baan ahay, Somaliland-na ha guulaysto oo ha is raacdo’.

Suldaanka guud ee Somaliland waxaa uu baaq gaar ah u diray bulshada ay dirirtu ka dhaxayso ee ku wada dhaqan degmada Ceel afweyn isaga oo dardaaran iyo talooyin u soo jeediyey “reer Ceel afweyn waxaan leeyahay nabadiina si wada jir ah inaad u ilaashataan mooyee midkiina hadduu is yidhaahdo ka kale ka aarso waa kugu dhimay oo kaa dhimay”.

Gebogbadii Suldaanku waxaa uu ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-raq ku dhexmaray ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo malleeshiyada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland “Tukaraq waxaan leeyahay Puntland iyo [dawladda] Somaliland wada hadal ha ku dhammeeyaan xaalladeeda”. Ayuu yidhi suldaanku.

Kaafimedia Hargeisa Office.