Taliyaha Ciidammada Qaranka Oo Ka Hadlay Halka Beesha Caalamku Ogoshahay Inay Joogaan Ciidammadii Somaliland Ee Tuke-raq Kala Wareegay Puntland.

0
47

Tuke-raq, 10 Juulaay, 2018 (Kaafimedia) – Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, ayaa markii u horreysay ka hadlay wakhtiga ay Ciidammada Qaranka ku qaadatay inay gaadhaan Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay inay Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay dedaal dheer u galeen inay gaadhaan halka ay hadda fadhiisinnada ka samaysteen oo 7KM dhanka Garoowe ka xigta Degmada Tuke-raq.

Taliyaha Ciidammada Qaranka oo Shalay hadal soo dhaweyn ah u jeediyey Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku tagay Jiidda hore ee Tuke-raq ayaa yidhi “Halkan aynu joogno Magaalada Tuke-raq waxay u jirtaa 7KM, marka Burco laga soo qaado (bilaabo) ilaa halkan aynu joogno 21 sanadood ayaanu ku nimid, 21 sannadood ayaanu kolba meel soo degaynay.”

Taliye Nuux Ismaaciil Taani wuxuu sheegay in Bulshada Caalamku ogoshahay inay Ciidammada Qaranka Somaliland joogaan halka ay hadda joogaan oo 7KM dhanka Garoowe ka xigta degmada Tuke-raq, “Bulshada Caalamku halkan ayay ogol yihiin, Madaxweynuhu halkan ayuu amar nagu siiyey, markaa bal wixii hadhay (Xuduudka) ha hadho, balse nabad..”ayuu yidhi.

Qaramada Midoobay iyo ururrada Caalamiga ah ee ICRC ka mid tahay, ayaa dhexdhexaadin ka dhex wada Puntland iyo Somaliland, waxayna dhowr jeer ku baaqeen in Ciidammada la kala qaado, wallow Ciidammada Qaranka Somaliland ay ku sugan yihiin gudaha Xuduudka Caalamiga ah ee Somaliland.

Ergooyin ka socda Qaramada Midoobay iyo ururka ICRC, ayaa toddobaadkii u dambeeyay u kala dab-qaadayey Madaxweynayaasha Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland oo isku dhinac ah, kuwaasi oo dedaal ugu jira inaan mar kale dagaal dhex marin labada Ciidan ee isku hor-fadhiya Jiidda hore ee Tuke-raq.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa fagaareyaal dhowr ah oo uu khudbado ka jeediyey wuxuu ku celceliyey in aanay Ciidammada Somaliland cidna dhibaataynayn oo ku sugnaan doonaan halka ay hadda ku sugan yihiin, balse Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay oo bishii hore ka hadlayey Magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in aanay Puntland ogolaan doonin soo jeedimaha nabadeed ee Beesha Caalamka isla-markaana ay doonayaan inay dib u qabsadaan Tuke-raq oo Ciidammada Somaliland kala wareegeen lix bilood muddo laga joogo.

Kaafimedia Hargeisa Office.