“Innagoo Og Dadkii Iska-rogooyinka Laga Daadiyey [Haddana] Arrintiinu Waxay Innagu Noqotay Foolxumo Uu Cadaw Badani Salaada Ku Xidho”.Gudoomiye Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe.

0
17

Ceel-afweyn (Kaafimedia)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe oo shalay subax socdaal ku tagay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag halkaas oo uu kaga biiray ergada heer qaran ee dhexdhexaadinta iyo nabadaynta u joogta deegaankaas ay shaqaaqadu kusoo noqnoqotay labada beellood ee walaalaha ah ee halkaasi ku wada dhaqan ayaa shacbiga reer Somaliland gaar ahaanna deegaannada dirirtu ka jirto ugu baaqay in ergada nabadaynta   u joogta halkaasi ay u dhego nuglaadaan  wada xaajoodka ay ku hawlan yihiin isla markaana aanay wax shuruud ah ku xidhin gogosha nabadeed ee loogu soo gurmaday islaaxintoodu. Faysal Cali WAraabe oo shalay hadal ka jeediyey shir  uu weftigii madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISmaaciil Saylici hoggaaminayay ee halkaasi ku sugnaa ay saxaafadda u qabteen ayaa beellaha walaalaha ah u hogatusaalleeyey sida ay colaadu u wiiqayso jiritaankii qaranka isla markaana u fududaynayso in nacab badan oo ulo booc ah ugu tukubaya kala dhantaalliyada dawladnimada Somaliland ay ugu soo dhex dhuuntaan shaqaaqada soo noqonoqotay ee halkaasi ka dhacday. “Halkan [Ceel-afweyn] waxaa iigu dembeysay abaartii, maanta illaahay mahadii barwaaqadii iyo geellii iyo xoollihii baan arkay siday u wanaagsan yihiin”.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaana uu intaas ku daray “waxaan jecellahay inaan idiin sheego halkan dadka is dilay reero maaha ee waa qoys keliya oo sheydaanku dhexgalay. Ahmiyadda ay leedahay dhexdhexaadinteeduna waxaad ka garanaysaa sida loo yimi oo reer Somaliland oo dhan baa meesha maraya, arrintaas qoysku way soo jiitantay, insha allah waxaan illaahay ka baryayaa  inay innaga dhammaato. Waxaad ogaataan [reer Ceel afweynoow] illaahay baa meel idinku wada abuuray oo isma dhamayn kartaan oo qolo meesha kuma hadhi kartaan ee kolley meesha waad kuwada noollaanaysaan oo illaahay baa iskiin badaye, waxaan idin leeyahay arrintiina cadaw badan baa ka faa’iidaysanaya oo salaada innagu xidhanaya. Dagaalkiinu waxaa uu innagu noqday bar xun innagoo og dhibaatadii inna soo martay iyo dadkii iskarogooyinka laga daadiyey, waxa la innooga baahan yahay in illaahay aynu ugu mahadnaqno wixii aynu soo marnay sida aynu kaga soo baxnay”.  “waxaan leeyahay colaad baa innagu socota oo dagaal baaa innagu socda dhaqaallaheenuna ma qaybsami karo, ciidamadeenuna ma qaybsami karayaan.

 

Maanta ciidanka halkan jooga ee idinka idin kala dhex jooga waxaa looga baahan yahay difaaca qaranka, dhalinyarada qoriga sidata [malleeshiyaadka labada beellood] waxaa looga baahan yahay inay qarankooda daafacaan, mana haboon in dawladdu ay cadawga innaga celiso mooyaane in ay idinka idin kala celiso, waana foolxumo aan meesha oolin. Waxaan leeyahay gogoshaa nabadeed ee la fidiyey iyo ergooyinkaa idiin yimi cidii faraxumaysa ee khalkhal gelisa inkaar baa ku dhici doonta, waayo ergo lama diido, wanaagna lagama horyimaado, intaas arrintu [dhexdhexaadintu] socoto waxa weeye inaan wax dhaqdhaqaaq ah aan lasamayn, waxaanan leeyahay wax allaale iyo wax shuruud ahna halaga daayo wada-xaajoodka, marka wada xaajood la gelayo shuruudo lama keeno, dawladuhuna waa caynkaas iskaba daa reeraha’e. nabadda shuruud laguma xidho, laakiin wixii kiis ah ee dhacay   halkaas banaanka ayaa la soo dhigayaa, sidaas darteed ergada waa inaad u dhego nuglaataan” ayu  yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali WAraabe oo si gaar ah ula hadlayay dadka kudhaqan deegaanka Ceel aFweyn ee gobolka Sanaag ee shaqaaqadu kusoo noqnoqatay. Gebogabadii hadalkiisana waxaa uu u bushaareeyey dadka reer Somaliland gaar ahaanna kuwa deegaanka ay waanwaanta ka wadaan, isaga oo sheegay in badhaadhe xigi doono dhibaatada, dalkana ay mashaariic horumarinneed oo fara badani ku soo socdaan.

Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Shuruudo lagala Horyimaado Ergada U Soo Gurmatay   Dirirta

Beellaysan Ee Ceel Afweyn+Weedho Damiirka Taabanaya oo Uu Ku Canaantay reer Ceel-afweyn

“Iska Daa Reeraha’e Dawladuhu Xataa Wada Xaajood Markay Gelayaan Wax Shuruud Ah Ma Keennaan Laakiin Wixii Kiis Dhacay Baa Banaanka La Soo Dhigaa”

KAAFIMEDIA HARGEISA OFFICE.