“Saddexda Dhaam Ee Hargeysa Lahayd, Waxa Laga Dhigayaa Suuqyo Dawladda Hoose Leedahay……” Soltelko

0
38

Hargeysa, 12 JuLY, 2018 (Kaafimedia) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa ka hadlay suuqyo Dawladda Hoose ka dhisayso meelo kala duwan oo Hargeysa ah.

Warka MaayarkaMaayar Soltelko oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxa uu kaga jawaabayo eedaymo lagu sheegay in Dawladda Hoose Ganacsato ka iibinayso Dhulka ku hareeraysan Dhaamka Daami oo dhawaan laga rarraray Dadkii deganaa, ayaa, ayaa sheegay in Warkaasi aanay waxba ka jirin, isla-markaana Dawlad hoose ahaan ay Dhaamamka Daami, Qudhac-dheer iyo Xero Digaagtaba laga dhisayo Suuqyo ay Dadku ka faa’idaystaan.

Maayarka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Hargeysa waxay lahayd 3 Dhaam, dhaamka Daami, Dhaamka Xero digaagta iyo Dhaamka Qudhac-dheer, Saddexdaba waxa laga dhigayaa suuqyo ay Dawladda Hoose leedahay.”

Maayarku wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in Qof uu Beer ku sheego Dhaamkii Daami ee Biyuhu ku jiri jireen, taasi oo uu sheegay inay tusaale u tahay halka dhibaatada Dhulku marayso, “Ninka dhaamkii Biyuhu ku jiri jireen leh waa Beertayadii, dhulka damiciisii wuxuu galay meel walba, indha-adaygiisa waakaa maraya Dhaamka dhexdiisu waa beertayadii…” ayuu yidhi, Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko).

Kaafimedia Hargeisa Office.